X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay Hoos Udhac Dhaqaale Xilli Dweladda Britain Malaayiin Dollar Oo Deeq Ah Ugu Yaboohday

Dr. Sacad Cali Shire

Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in dhaqaalaha Somaliland uu samayn ku yeeshay xannuunka COVID-19,  taas oo saamayn ku yeelatay dakhliga kusoo Xerrooda Wasaaradda Maaliyadda.

Sidaana waxa ku sheegay warbixin Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire  oo warbaahinta dawladda u waramay.

Wasiir Sacad, ayaa faahfaahin ka bixiyey habka loo diyaariyo miisaaniyadda Qaranka ee sannadka soo socda, isaga oo sheegay in la diyaariyo sannadka sii dhamaanaya, wuxuuna tilmaamay in odoroskii miisaaniyadda sannadkan aynu ku jirno ay saameyn ballaadhan ku yeesheen xannuunka safmatka ah Covid-19, xajka oo aan sannadkan la tagin, dhoofka xoolaha oo sannadkan yaraa iyo Ayax ku habsaday dalagii beeraha ka soo go’ayey ee dalka.

Waxa kale, oo uu wasiirka maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, xusay in arrimahaa oo is biirsaday ay hoos u dhac ku keeneen dalkhliga dawladda iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka.

Balse, wuxuu xusay in ay xaaladda dhaqaale soo wanaagsanaanayso marka loo eego lixdii bilood ee hore ee sannadkan 2020.

Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sidoo kale  sheegay in ay ku guda jiraan diyaarinta miisaaniyadda qaranka ee sannadka soo socda ee 2021, isaga oo tilmaamay in xukuumaddu dedaal xoogan u geshay sidii looga soo kaban lahaa saameynta xannuunka Covid-19, wuxuuna cadeeyey in mucaawinadii laga filayey beesha caalamka ayna Somaliland ka helin marka laga reebo dawooyin iyo qalab kooban oo ka soo gaadhay, balse ay la tacaalidii xannuunkas ay kaalin mug leh ka qaateen ganacsatada dalku mudadii ay Somaliland la tacaalaysay xannuunka COVID-19.

Wasiir Sacad, kuma xusin warbixintiisa dhaqaale 65 Million oo dawladda Britain sheegtay Inay ugu deeqday Somaliland, taas oo Loogu tala galay xannuunka COVID-19, sidoo kale Wasiir Sacad kuma soo hadal qaadin warbixintiisa Lacago baddan oo Somaliland loogu deeqay mudadii xannuunka COVID-19,, kuwaas oo Su’aalo badan ka taagan yihiin qaabka loo maamulay.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post