X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Shaacisay Qorshe Cusub Oo Ku Waajahan COVID-19


Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa shaacisay inay bilaabayso qorshe cusub oo lagu hawl-gelinayo mihnadlayaasha Caafimaadka ee ku filiqsan dalka.


Qorshaha cusub oo qayb ka ah diyaar-garawga xannuunka Coronavirus, waxa maanta daah-furtay Wasaaradda Horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo sida ay sheegtay noqonaya nidaam casri ah oo si fudud loogu diiwaangelinayo mihnadlayaasha caafimaadka ee ku sugan gobollada iyo degmooyinka dalka, kuwaas oo la doonayo inay si mutadawacnimo ah uga qayb-qaataan ka hor-tagga iyo u diyaargarowga xannuunka COVID-19.

Munaasibad lagu shaacinayay bilowga habkan casriga ah oo qof kasta oo mihnad caafimaad lihi uu si fudud isu diiwaangelinayo isaga oo gurigiisa ama goobtiisa shaqada joogo, ayaa lagu qabtay xarunta wasaaraada Horumarinta caafimaadka, waxana goob-joog ka ahaa madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida ka hortagga iyo u diyaar-garowga xanuunka COVID-19, mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (saylici), wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka, mudane Cumar Cali Cabdullaahi, wasiir-ku-xigeenkiisa, agaasimaha guud, xubno kale oo kamid ah golaha wasiirrada iyo marti-sharaf kale, waxana madasha lagu faah-faahiyey muhiimadda uu nidaamkani u leeyahay guud ahaanba qaranka iyo badqabka bulshada reer Somaliland ka hadlay masuuliyiinta Shirkada waddaniga ah ee GTS oo si muwaadinimo ah, dareen leh isugu xilqaantay inay agabkan ugu deeqdo una sameeyso wasaaraddu inay kaga hawlgasho arrinta xanuunka coronavirus ee khatarta ku ah bulshada caalamkana saameeyey, oo ay sheegeen inay u arkeen inay tahay meesha kaga haboon dedaalka loogu jiro in qarankani helo muwaadiniin isxilqaantay oo barbar istaagta qaranka .

Wasiirka wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Mudane, Cumar Cabdullaahi Cali oo ugu horrayn madasha ka hadlay, ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu nimaadkani leeyahay iyo sida uu uga qayb qaadanayo yaraynta kulamada bulshada, isaga oo intaas ku daray mihnadle-kasta oo isa soo diiwaangeliya ay wasaaraddu si fudud u arkayso macluumaadkiisa iyo heerka aqoontiisa, islamarkaana uu noqon doono adeego bulsho waqti kasta loo baahdo inta xanuunkani jiro.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Saylici, ayaa isaguna bogaadiyay nidaamkan casriga ah ee sida fudud loogu diiwaangelinayo xirfadayaasha caafimaadka, waxanu ugu baaqay cid kasta oo aqoon caafimaad leh inay is diiwaangeliso, si ka hor-tagga Aafada COVID-19, loogu helo xirfadlayaal aqoon buuxda u leh arrimaha caafimaadka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post