X

Xukuumadda Somaliland Oo Qiimayn Ku Samaynay Hay’addaha Qaramada Midoobay Ee Ka Hawlgala Dalka Iyo Kuwa Caalamiga Ah

Hargeysa,(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa go’aansatay in dib-u-eegis iyo qiimayn lagu sameeyo wada-shaqaynta Hay’addaha Qaramada midoobay iyo kuwa caalamiga ah ee ka hawlagala Somaliland, sidaana waxa lagu sheegay go’aan kasoo baxay shirka golaha Wasiirrrada ee ka dhacay Qasriga Madaxtooyadda Khamiistii 1, Oct, 2018.

Qoraal Saxaafadeed kasoo baxay Shirkaa oo soo gaadhay Shebekadda Araweelo News Network, ayaa lagu yidhi, sidan:-

“Kal-fadhigii 24-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu ku wehelinayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 01/11/2018, waxa lagu lafo-guray hannaanka wada-shaqayneed ee hay’adaha qaramada midoobay (UN), kuwa caalamiga ah iyo xukuumadda Somaliland, waxaanu goluhu warbixinta amniga ka dhegaystay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

 

Goluhu waxay dood-dheer ka yeesheen wada shaqaynta hay’adaha UN-ta, iyo kuwa caalamiga ah, ee ka hawl-gala Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay isla qaateen in dib u eegis iyo qiimayn buuxda lagu sameeyo habka iyo hannaanka ay hay’adahaasi uga hawl-galaan dalka Somaliland, iyadoo loo marayo sharciga iyo dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Ugu dambayn, golaha wasiirraddu iyagoo ka duulaya horumarinta iyo iskaashiga shacabka waxay ku dhiirigelinayaan bulshada Somaliland, hirgelinta, barmaamijyada iskaa wax u qabso ee kobcinaya adeegyada arrimaha bulshada la xidhiidha.

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

       Naasir Yuusuf Daahir

Director of the Presidential Media Department

Hargeisa – Republic of Somaliland

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post