X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Mashaariic Horumarineed Ka Fulinay Deegaanka Tuka-raq Iyo Dawooyin Madaxweyne Ku xigeenku Gaadhsiiyay

Araweelo News Network

 

Tuka-rag(ANN)-Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa dhagax dhigay mashaariic dhinaca horumarka ah oo laga fulinayo deegaankaa, isla markaana dawooyin gaadhsiiyay dadka deegaanka.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa markii ay gaadheen deegaankaa maanta kulan la qaatay Odayaasha iyo Waxgaradka deegaanka Tuka-raq oo ka tirsan gobolka Sool.

 

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, ayaa balanqaaday in dayactir lagu samayn doonno dugsiga deegaanka Tuka-raq loonna dhisi doonno goob caafimaad oo MCH ah, taasi oo ay yeelan doonto magaaladda Tuka-raq, isagoo yidhi,  “ Waxaa aan balan qaadaynaa in MCH-gan la weyneeyo oo qaybtii dhallaanka iyo  Ummulaha lagu kordhiyo, waxa kale oo aanu u sidnaa dawooyin ay noogu deeqday Hay’adda ARC oo runtii gobolka sool wax badan nalaga qabatay ”.

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, ayaa daawooyin loogu talo galay ka hor taga shubanka iyo daawooyin kale ku wareejiyay  maamulka caafimaadka ee deegaanka Tuka-raq.

 

Odayaasha iyo Waxgaradka deegaanka Tuka-raq, ayaa ka waramay baahiyaha kala duwan ee ka jira deegaanka Tuka-raq oo ay sheegeen in aanay hore usoo gaadhin adeegyada aasaasiga ah iyo nidaamka dawladnimada.

 

Caaqil Faysal Muuse Diiriye, Caaqil Cabdirashiid Cabdi Aabbe  iyo Caaqil Maxamud Axmed Ducaale (Wilyan) oo ka mid ah Odayaasha deegaankaa, ayaa ku dheeraaday baahiyaha deegaanka Tuka-raq iyo Xaaladda deegaanka guud ahaanba.

 

sidoo kale Odayaasha deegaanka, ayaa maamulkii hore ee Puntland ee laga caydhiyay halkaa ku sifeeyay dhiigmiirato aan bulshada Tuka-raq kusoo celin cashuuraha ka soo xeroon jiray Kastamka Tuka-raq ee deegaankaa ka jiray ka hor intii aanay ciidamadda qaranka Somaliland gaadhiin ee aanay la wareegin, waxayna Odayaashu sheegeen in lacagtaasi lagu dhisi jiray magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe, balse ay hadda ku faraxsanyihiin mashaariicda horumarka ee wax lagaga qabanayo adeegyada aasaasiga ah ee xukuumadda Somaliland ka fulinay deegaankaa.

 

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wasiirka Wasaaradda  horumarinta khayraad biyaha Saleebaan Cali Koore ayaa si wadajir ah u balanqaaday inay Xukumadda Somaliland  wax ka qaban doonto baahiyaha isbiirsaday ee degmada Tuka-raq.

 

 

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda  Somaliland, gebagebadii kormeeray deegaanka, isla markana dhagax dhigay mashaariic horumarineed, kuwaas oo ay ka mid yihiin MCH-ka Tuka-raq iyo dayactir lagu samayn doonno dugsiga hoose ee deegaanka Tuka-raq.

Halkan Ka Daawo

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post