X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Mamnuucday Dabaaldegyo La Xidhiidha Guusha Doorashadda Madaxtooyadda Ee Lagu Dhawaaqay

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Xukuumada Somaliland,  ayaa soo saartay amar adag oo lagu mamnuucayo dabaal degyo la xidhiidha guusha doorashadda Somaliland ee lagu dhawaaqay goor dhowayd, taas oo Murrashaxiinta Xisbiga KULMIYE loogu dhawaaqay, kadib markii Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Saylici ku guulaysteen tirada guud ee doorashadda codad dhan 79,817 (toddobaatan iyo sagaal kun, siddeed boqol iyo toddoba iyo toban cod).

Wasiirul dawlaha Amniga ee wasaarada arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye, ayaa taageerayaasha xisbiga guulaysta ugu baaqay inaanay soo dhaafin guryahooda,  isla markaana ay xafladaha ku qabsadaan hudheelada, sidoo kalena aanay usugu soo bixin shaaricyada magaalooyinka.

 

“Waxaan uga digayaa inay taageerayashu qabtaan xaflado farxado ah oo aan loo baahnayn oo ay ka dhigaan shaaricyada magaalooyinka, waxaanan ugu baaqayaa taageerayasha inay xafladaha ku qabsadaan guryahooda iyo hudheelada waa weyn.” Ayuu yidhi Wasiirul dawlaha oo la hadlay HCTV.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post