X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Ku Wareejisay Komishanka Qayb Ka Mid Ah Kharashka Lagu Qabanayo Doorashada Madaxtooyada

Araweelo News Network


Hargeysa (ANN)-Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si rasmi ah u cayimay maalinta ay qabsoomayso doorashada madaxtooyada oo ay u asteeyeen 13 November 2017.
Sidaa waxa Guddiga Doorashooyinku kaga dhawaaqeen kulan ay Wasiirka Maaliyadda kagala wareegeen lacag dhan laba milyan doollar oo ah kala badh dhaqaalaha xukuumadda KULMIYE u qoondaysay qabsoomidda doorashada madaxtinimada oo ka dhacay xarunta Komishanka ee magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Eng. Cabdulqaadir Iimaan oo ka hadlay munaasibadd uu Wasiirka Maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan kagala wareegay lacagta xukuumaddu ugu talogashay doorashada Madaxtooyada, ayaa yidhi; “Waxaannu maanta ka guddoomaynaa xukuumadda ($2 million) labadii milyan ee dollar ugu horreeyey ee doorashada kaga soo beegmay oo dhan ($4 million) afar milyan oo dollar, labada milyan ee hadhayna bisha August horraanteeda ayaannu insha Allaah ku ballannay xukuumadda in la bixiyo. Annaga oo fursaddan ka faa’iidaysanayna waxaannu halkan kaga dhawaaqaynaa cayimaadda maalinta doorashadu dhacayso oo ah 13-ka bisha November 2017-ka oo ku beegan maalin Isniin ah ayaa codbixinta doorashada loo dareeri doonaa oo ay inoo dhici doontaa insha Allaah.”
“Waa kii qorshu ahaa in bisha June la bixiyo labada milyan ee u horreeyey ee ka midka ahaa afartii milyan ee dollar ee xukuumadda kaga soo beegmay doorashada Madaxtooyada si aan waqtigeedu dib u dhicin, si shakiga oo dhan u baxo, waxay ahayd in aannu labada milyan ee dollar ee u horreeya bisha June bixinno, annaga oo maanta ku wareejinayna lacagtaas Guddoomiyaha iyo Guddida Doorashooyinka, labada milyan ee hadhayna bisha August ayaannu ku wareejin doonnaa insha Allaahu tacaalaa si Komishankana niyaddoodu ugu sii fiicnaato oo ay hawladooda u sii dadajiyaan.” Sidaana waxa tidhi Wasiirka Maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan oo halkaasi ka hadashay.
Sidoo kale, waxa madashaas ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Md. Maxamed Ibraahim Aadan (Qabyatire), isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in xukuumaddoodu ku wareejiso Komishanka Doorashooyinka qayb ka mid ah dhaqaalaha ku baxaya qabsoomidda doorashada Madaxtooyada ee loo muddeeyey 13ka bisha November ee sannadkan 2017.
“Waxa ii farxad ah in Guddoomiyaha Guddoomiyaha Doorashooyinka oo i horfadhiya uu ku dhawaaqay warqaddii cayimaadda maalinta doorashada madaxtooyada oo ah 13-ka bisha November 2017, iyadoo Wasiirka Maaliyada Somaliland marwo Samsam ay Komishanka gacanta ka saartay kala-badh afartii milyan dollar ee xukuumadda kaga soo hagaagay doorashada. Labadaas su’aaloodba si fiican ayaan ugaga jawaabayaa qaadhaan-bixiyeyaasha caalamka oo aan maalmaha soo socda ku kulmi doonno Nairobi, waana wax aad loogu farxo.
Wax badan ayaa innagaga xidhan qabashada doorashada oo hadday tahay xaggii ictiraafka iyo haddii ay tahay caawimadaba, waana su’aal had iyo jeer ina hortaagan, waxaanan Ilaahay ka baryayaa in si bilaa turxaan ah ay innoogu dhacdo doorashadu,” ayuu yidhi Wasiir Qabyo-tire oo si weyn ugu mahad-celiyey Komishanka Doorashooyinka oo uu xusay inay yihiin koox isku xidhan, kalsooni badanna ku qabo hawl-qabadkooda.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post