X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Ku Kala Qaybsan Tallaabooyin La Filayay In Laga Qaado Ilaa Labaatan Hay’adood Oo Caalami Ah Iyo Kuwo Dawli


Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland, ayaa ku kala qaybsan qorshe la xidhiidha Tallaabo la doonayay in laga qaado Hay’addo Caalami ah iyo kuwo dawli ah oo ka hawlgala Somaliland, kuwaas oo aan magacyadooda la shaacin, balse la filayay inay Xukuumadda Somaliland ka qaado Tallaabooyin. Kadib markii ay galeen hawlo ka baxsan shaqooyinka ay dalka kusoo galeen.
La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga Mr. Cabdifataax Siciid Axmed oo waraysi siiyey idaacadda VOA-da dhowaan, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan go’aansadeen inay dalka ka saaraan saddex hay’adood oo lagu eedeeyey inay faraha la galeen arrimaha siyaasadda gudaha Somaliland, isagoo xusay inay hayaan caddaymo muujinaya in qaar ka mid ah hay’adahaasi ka qaybgaleen shirar iyo kulamo xisbiyada mucaaridka dhexmaray, balse waxa uu ka gaabsaday inuu tilmaamo magacyada hay’adaha ay dalka ka saarayaan iyo kuwa faraha la galay arrimaha gudaha Somaliland.

Balse Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa beeniyey inay xukuumad ahaan go’aansadeen inay dalka ka saaraan qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah.

“Wax hay’ado ah oo la eryey ma jirto, waqtigan xaadirka ahna hay’ado aannu eryeyno ma jiraan, qaar aannu hore u erinayna ma jiraan, markaa waxaan u malaynayaa in warkaasi yahay mid aan jirin oo ku-tidhi-ku-teen ah,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Mr. Biixi oo waraysi uu siiyey telefishanka Star TV shalay, wax laga weydiiyay arrintaa.
Hase yeeshee warar marka laga yimaado wararka kala duwan ee Masuuliyiinta xukuumadda oo is burinaya, waxa jira warar la xidhiidha arrimahaa oo shebekadda wararka ee Araweelo News Network ka heshay ila wareedyo ku dhow dhow xukuumadda oo sheegaya inay jiraan ilaa 20 ka mid ah Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa qaramada Midoobay ee ku sugan Somaliland oo xukuumadda u qorshaysnaa in qaarkood laga saaro dalka, halka kuwo kalena loo qorsheeyay in digniino la siiyo, iyadoo lala xidhiidhiyay sababta in Hay’addahaasi galeen arrimo siyaasadeed oo gef ku ah qaranimada iyo jiritaanka Somaliland, isla markaana meel ka dhac ku ah sharafta iyo karaamada qaranka. Kadibna galeen siyaasado ka baxsan hawlihii ay dalka kusoo galeen ee ay ku sheegeen shaqooyinka ay qabanayaan, balse waxa hadda muuqata in xukuumaddu ku kala qabsantahay arrintaa oo aan la ogayn in ay ku soconay qorsheheedii ku waajahnaa Hay’addahaa iyo inay wax iska beddeleen, taas oo xaqiiqdeedu soo bixi doonto maalmaha soo socda iyo saacadaha fooda inagu soo haya.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post