X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Ku Hanjabtay Inay Tallaabo Ka Qaadayso Ganacsatada Maceeshada Kordhiya

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed 19 March 2020 Araweelo News Network


Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ku hanjabtay inay tallaabo ka qaadayaan ganacsatada kordhiya qiimaha maceeshada, maadaama ay dhaq-dhaqaaqii iyo isu socodkii dunidu istaagay inta baddan. kadib markii xannuunka Coronavirus kala xidhay Adduunka.


Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo maanta saxaafada kula hadlay xafiiskiisa, ayaa sheegay in ganacsatada Somaliland oo kulan la yeeshay Rugta Ganacsiga Somaliland ay sheegeen in aannu jirin raashin qiimihiisa la kordhiyay.


Sidoo kale, wuxuu wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland sheegay in ganacsatadu ay xaqiijiyiin in raashinka dalka yaal yahay mid ku filan oo aannay jirin raashin la’aan, isla markaana ay ganacsatada iyo Rugta Ganacsigu kala shaqaynayaan Dawladda ciddii raashinka qaali ka dhigta in tallaabo laga qaado.


Wuxuu sheegay in jaraa’idka kasoo baxa Hargeysa qoreen innay jiraan ganacsato raashinkii qarinaya iyo kuwo ku iibinaya qiime xad dhaaf ah, isagoo arrintaa ka hadlaya Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin, wuxuu yidhi, “Waxa la sheegayaa oo Jaraa’idku maanta qoreen in ganacsatadii qaarkood raashinkii kicinayaan qiimaha, qaarna meelo gaar ah oo Bakhaaro ah dhiganayaan, waxay qoreen in Kiishka Bariiska ah uu gaadhay $ 50 (konton Dollar), waana la keeni doonnaa meeshay ka keenneen xogtaa.” ayuu yidhi.


Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin, wuxuu sheegay in wararka qaar yihiin kuwo khal-khalin ah oo Umadda iyo dalka lagu khal-khalinayo, kuwana ay yihiin Niman uu ku tilmaamay dhiig-miirato, oo ka faa’idaysanya fursada, kuwaas oo sida uu sheegay xilligan feejignaanta xannuunka lagu jiro ay ku noqdaan dhiig-miirato. sidaa awgeed wuxuu wasiirka Arrimaha Gudaha ku wargeliyay Maayarada dalka, Badhasaabyada gobolada iyo maamulada degmooyinka iyo tuulooyinka inay la socdaan qiimaha lagu iibinayo raashinka, isla markaana tallaabo laga qaado cidda qiimaha raashinka kordhisa.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post