X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Ku Hanjabtay In Aan Cidna Looga Dulqaadanayn inay Hawlaha Doorashada Carqaladayso ama ka Hortimaado

Araweelo News Netwok

Hargeysa (ANN) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa sheegay in aan cidna looga dulqaadan doonin inay carqaladayso ama is hortaagto hawlaha doorashada Madaxtooyada ee u qorshaysan dabayaaqada bisha March ee 2017.
Wasiir Faratoon waxa uu sheegay inay dawlad ahaan diyaar u yihiin sugidda ammaanka dalka, gaar ahaan xilliga doorashada, isla markaana ay arrintaasi ka yeelanayaan qorshe cad muddada ka dhiman doorashada.
“Sidii aannu waxyaabihii hore ee hadday noqoto diiwaangelin ama doorashooyin awalba loogu diyaar-garoobi jiray ayaanu ugu diyaar nahay, waanu u haynaa ciidan ku filan oo amniga ilaaliya, Insha Allaahu weliba muddo ayaanu haysanaa oo intaana wixii naga dhiman ayaanu kaga talogali doonaa oo ka sii diyaargaroobi doonaa, uma aragno in aannu wax dhibaato ah kala kulmi doono in aannu amniga ilaalino doorashooyinka iyo wixii kale ee hawl ah ee la qabanayo.
Cid loo dulqaadanayo ma jirto hawlahaa doorashada cid carqaladaysa ama ka hortimaada ama isku dayda inay dhibaatayso oo hakiso cid laga yeelayaa ma jirto, dawladduna waa u diyaar,” ayuu yidhi Md. Yaasiin Faratoon oo u warramay telefishan la yidhaa SBC.
Dhinaca kale, Wasiirka Daakhiligu waxa uu ka hadlay xallinta shaqaaqadii dhawaan laba beelood oo walaalo ah ku dhexmaray deegaanka Ceel-Afwayn, waxaannu xusay in nabadaynta arrintaasi meel fiican marayso.
Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu ydihi, “Dawladdu shaqaaqadii Ceel-afwayn awaamiir iyo xukun ay riday bay ka soo saartay, iminkana waxaannu ku hawlanahay awaamiirtii, ballanqaadyadii iyo go’aamadii aannu halkaa ka gaadhnay sidii aannu fulintoodii u dhammaystiri lahayn, meel wanaagsan bay noo maraysaa, dhakhso ayaanay u fulayaan awaamiirtii iyo go’aamadii, haddii aannu go’aamadaasi aannu ku ballanqaadnay dhammaystirnana waxaannu filaynaa in aannu inta kalena is raacino oo markaa labadii beelood la isu keeno oo heshiis iyo nabad la dhex dhigo.”

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post