X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Ku Guulaysatay Inay Soo Af-jarto Xiisadda Kooxda Awdal Ee Sheegatay Jabhada


Boorama(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ku guulaysatay in lasoo af-jaro tabashada kooxda sheegatay Jabhada ee dhowaan dhawaaqa tabashadooda laga maqlay deegaanka Boorama.

Masuuliyiinta xukuumadda, Aqoonayahanka iyo kooxda hubaysnayd ee Awdal 14 Nov 2019.


Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo ay weheliyaan, Odayaal dhaqameed iyo hal-door kale oo kasoo jeeda deegaanka Awdal, ayaa xidhiidh la sameeyay kooxdaa, kuwaas oo ugu danbayntii maanta ku guulaystay inay soo af-jaraan tabashada kooxdaa oo ku sugnayd mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa deegaanka lagu magcaabo Laas-tuug ee buuralayda duleedka Degmada Dilla ee Boorama.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Somaliland, Maxamuud Sacad Saajin oo ka hadlaya kooxda hubaysnayd ee Awdal 14 Nov 2019.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wersheddaha iyo Dalxiiska Somaliland, Maxamuud Sacad Saajin, oo ah wasiirka ugu tunka weyn wasiirada xukuumadda Madaxweyne Biixi ee kasoo jeeda deegaanka Awdal, Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Somaliland, General Cabdirisaaq Siciid Bullaale, Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud, Prof. Saleebaan Cabdi Guuleed, Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil, oo ay la socdaan Odayaal dhaqameed iyo hal-door kale oo kasoo jeeda deegaanka Awdal, ayaa wada-hadal la galay horjoogayaasha kooxdaa, waxayna si wada jir ah ugu dhawaaqeen in lagu guulaystay sidii loo soo af-jari lahaa tabashada kooxdaa.
“Waxay nagu ahayd ceeb deegaan ahaan iyo dal ahaanba, waana ku faraxsanahay inay naga aqbaleen in lasoo af-jaro arrintaa, wixii tabasho ah xukuumad ahaan annaga ayaa guudka saaranay, wixii hada ka danbeeyana waxay u guurayaan magaalada.” ayuu yidhi, Maxamuud Sacad Saajin, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wersheddaha iyo Dalxiiska Somaliland.


Masuuliyiinta xukuumadda, ayaa si wadajir ah ugaga dhawaaqay halkaa in xukuumaddu tabashada kooxdaa wax ka qabanay, waxayna wasiirka iyo masuuliyiinta kale dhammaantood ka mahad celiyeen inay aqbalaan kooxdu ergadooda oo ay hada wixii ka danbeeya ka mid noqonayaan qarankooda, tabashadoodana loo marayo dariiqa haboon oo la dhegaysanayo.


Hor-joogayaasha kooxda oo iyaguna ka hadlay halkaa ayaa si cad u sheegay inay ka tanaasuleen dhawaaqoodii ahaa inay qori ku raadinayaan wixii ay ka tabanayeen qaranka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post