X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Ku Celisay Go’aankii Qiimaha Sarifka Dollarka Iyo Awaamiirta La Siiyay Shirkaddaha Waaweyn Ee Dalka

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ku celisay go’aankii ay hore uga soo sartay qiimaha Sarifka iyo awaamiirta ku waajahan sarifka lacagaha qalaad, isla markaana awaamiir lagu siiyay shirkaddaha waaweyn.

Qoraalkaa oo mar kale warbaahinta loo qaybiyay ayaa u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silanyo: Isagoo gudanaya Xilka iyo Masuuliyadda Distooriga ah ee Xukuumadiisa ka saaran ilaalinta iyo la socodka qiimaha Shilinka Somaliland oo ah lacagta Sharciga ah ee uu Qarankani leeyahay;

• Isagoo ay ka go’antahay in si rasmi ah loola dagaalamo Qiima-dhaca Shilinka Somaliland;

• Isagoo gudanaya masuuliyadda Xukuumadiisa ka saaran ilaalinta ascaarta suuqyada iyo la dagaallanka Sicir-bararka;

• Isagoo ogsoon saamaynta taban (xag dhaqaale, xag bulsho, xag siyaasadeed iyo xag naba-gelyo) ee ay Qaranka ku yeelan karaan haddii aan si deg-deg ah wax looga qaban Xaaladahan is-barkan ee Qiima-dhaca Shilinka iyo Sicir-bararka ba’an ee dalka ka jira;

Wuxuu magacaabay Guddi heer Qaran ah oo ka kooban Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Ganacsiga iyo Baanka Dhexe ee JSL oo si qoto dheer u soo baadha kana soo talo bixiya wixii lagu xallili karo Qiima-dhaca Shilinka iyo Sicir-bararka dalka ka jira. Madaxweynuhu wuxuu Guddidaa faray inay xog buuxda oo waafiya ka soo siiyaan si loogu go’aan qaato.

Haddaba, Shirkii aan caadi ahayn ee ay yeesheen Golaha Wasiirradu 24.01.2017, Guddidii uu Madaxweynuhu u saaray ka soo talo-bixinta Qiima-dhaca Shilinka iyo Sicir-bararka dalka ka jira waxay Golaha ka hor akhriyeen kuna soo bandhigeen Daraasad qoto dheer oo ay ku sameeyeen sabaha ugu wacan Qiima-dhaca Shilinka Somaliland iyo arrimaha uu salka ku hayo Sicir-bararka dalka ka jira. Goluhu wuxuu dood dheer oo waqti badan qaadatay ka yeeshay talooyinkii ay Guddidu hor keeneen, taasoo ay soo jeediyeen Wasiirro badan iyo Maamulka sare ee Baanku oo ay dhammaantoodba ku odorosayeen fikirkooda iyo aragtidoodu ku aaddan sida ama qaabka ugu habboon ee loo waajahayo Qiima-dhaca Shilinka iyo Sicir-bararka dalka ka jira.

Go’aanada ay Xukuumaddu u aragto Xalka deg-degga ah ee muddada dhow ee ay Guddidu hor keentay Golaha Wasiirrada, si aan loo kala hadhina ay ugu codeeyeen, Madaxweynuhuna uu DIGREETO ku soo saaray waxay ahaayeen 17 Qodob oo muhiim ah oo aan cidna loogu danaynayn ama aan cid si gaar ah loo bar-tilmaameedsanayn, balse saamayn toos ah ku yeelan doona nolosha shacab-weynaha JSl. Qodobadaasi waxa ka mid ahaa:

1. Isticmaal la’aanta lacagta qaranku waa dembi. Sidaa darteed, waa waajib Qaran in dhammaan muwaadiniinta iyo shisheeyaha ku nool Jamhuuriyadda Somaliland, ay si rasmi ah u adeegsadaan, waxna ku iibiyaan waxna ku iibsadaan lacagta dalka. Cid kasta oo ka hortimaadda dhaqan-galkeeda iyo isticmaalkeeda, waxaa laga qaadayaa tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

2. Waxaa reebban in shaqaale weynaha dawladda, ciidammada iyo madaxda kala duwan ee qaranku ay ku beddelaan mushaharkooda lacagta Dollar-ka. Sidoo kale, waxaa reebban in sarriflyaashu wax ku beddelaan ama lacagaha qalaad ku sarrifaan Baanka Dhexe iyo Laamaha Gobollada, ama agagaarkooda.

3. Waxaa la mamnuucay in aanu sarrifka Dollar-ku dhaafi karin SL.SH/=7,000 (Toddoba Kun oo Somaliland Shillings).

4. In Shirkadaha waaweyn ee leh Bangiyada gaarka ah (Private Banks) sida: Dahabshiil Group iyo Telesom Group ay si rasmi ah u joojiyaan Isku-Beddelka Lacagaha Qalaad (Foreign Money Exchange). Sidoo kale, Ganacsatada waaweyn ee waxna dhoofisa waxna soo dejisa, sida: Oomaar International Company, Deero Group iwm, aanay iyaguna si toos ah iyo si dadban toona uga ganacsan karin Isku-Beddelka Lacagaha.

5. In Shirkadaha Telesom Group iyo Dahabshiil Group ee leh adeegyada Zaad iyo E-Dahab (Zaad and E-Dahab Services) ay joojiyaan lacagaha US Dollarka ah ee lagu shubayo Telefoonadooda Gacanta wixii ka yar $100 (Two digits), isla markaana ay ka saaraan system-kooda US Dollarka.

6. Si kor loogu qaado loona dhiirri geliyo Isticmaalka Shilinka Somaliland, waa in Shirkadaha Telesom iyo Dahabshiil adeegyadooda Zaad-ka iyo E-Dahab-ka ay ka dhigaan ku-shubashada iyo ku-kaydsiga lacageed mid aan xad lahayn.

7. Sida ku cad Qodobka 32-aad ee Xeerka Baanka Dhexe ee JSL, Lacagta Sharciga ah ee uu Dalkani leeyahay (Legal Tender) waa Shilinka Somaliland. Sidaa dareteed, Ganacsatada bixisa adeegyada kala duwan (Service Providers) iyo kuwa ka ganacsada alaabaha (Purchasing Goods) ay iibkooda ku saleeyaan Shilinka Somaliland. Sidoo kale, bixinta kharshyada ama biilasha la isticmaalo bishii sida Ajuurada Waxbarashada (School fees), Bixinta Nalka, Biyaha, Kirada Guryaha, ku shubashada telefoonka gacanta; waa in dhammaantoodba lagu saleeyo Shilinka Somaliland.

8. In Bangiyada Gaarka loo leeyahay (Private Banks) ay Macaamiishooda u furaan Xisaabaha Shilinka Somaliland, maadaama ay tahay Lacagta Sharciga ah ee dalku leeyahay.

9. Guddidu iyadoo gar-waaqsan sida uu dhigayo Xeerka Baanka Dhexe ee JSL, Cutubka 2-aad, Qodobkiisa 4-aad, Farqadiisa 4-aad, Xarfaha B, T & J; waxay Guddidu lagama maarmaan u arkaan in la xoojiyo lana tayeeyo Awooda Baanka Dhexe ee JSL uu ku fulinayo Waajibaadka uu u aasaasan yahay, oo ah:

a) Inuu sameeyo, qaato isla markaana uu fuliyo Siyaasdda Lacagta Somaliland (Somaliland Monetary Policy).

b) Inuu sameeyo, qaato isla markaana uu fuliyo Siyaasdda Sarrifka Lacagaha Qalaad iyo Nidaamka Lacaga la isugu beddelo dalka JSL (Foreign Money Exchange & Currency Trading Policy).

c) Inuu hayo oo uu maamulo Kaydka Lacagaha Qalaad ee Dalkeena.

d) In Baanka Dhexe ee JSL uu yahay Hay’adda Qaranka u xil saaran ruqsad siinta, kor-joogidda iyo kala noqoshada ruqsadaha ka ganacsiga lacagta, ciddii ku xad-gudubta sharciga.

Haddaba, maadaama loo baahan yahay in si deg-dega loo hirgeliyo qorshahan, waxaan hirgelinta iyo dabagalka hawshan u magaacabay masuuliyiintan soo socda:

1. Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL.

2. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.

3. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada.

4. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

5. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah.

6. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Ugu dambayn, Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silanyo wuxuu si adag u faray dhammaan masuuliinta ay warqaddani sida tooska ah iyo sida dadbanba ugu socoto, in ay meelmariyaan, fuliyaanna go’aamadan ka soo baxay Golaha Wasiirrada JSL, isla markaana ay sharciga la tiigsadaan cid kasta oo ka hor-timaadda dhagan-galkooda.

ALLAA MAHAD IYO MUDNAANBA LEH

Xuseen Adan Cige (Deyr)

Afhayeenka Madaxweynaha JSL,

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post