X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Walaacsan Mucaaradka Iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo U Digay

Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa ka walaacsan inay mucaradku qaadaan talloobooyin lagaga soo horjeedo, isla markaana ku lid ah go’aamada hore ay isugu khilaafsanaayeen xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee la xidhiidha muda kordhinta guurtida iyo go’aanka ka danbeeyay ee axsaabta qaranka oo meel mar noqon waayay.

Iyadoo Axsaabta mucaaradku todobaadkan qoraal ka hadlayay arrimahaa u gudbiyay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo golaha guurtida, balse ay golaha guurtidu
ku baqeen wadahadal in laysugu yimaado, taas oo axsaabta mucaaradku gaashaanka ku dhifteen, isla markaana shaaciyeen inay qabanayaan shir ka dhan ah arrimahaa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa ugu baaqay axsaabta mucaaradka in aanay qabsan shir uu ku tilmaamay mid sharci daro ah, wuxuuna ugu baaqay inay kasoo qayb galaan wadahadalka guurtidu ku baaqday si looga midha dhaliyo muranka soo jitamay ee ka dhashay dib u dhaca doorashooyinka iyo muda kordhinta loo sameeyay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo golaha Wakiiladda ee uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post