X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Jawaabtay Fariin Laga Soo Weriyay Sarkaal Hore Uga Tirsanaa Ciidanka Qaranka Oo U Xuubsiibtay Malayshiyo

Araweelo News Network

Wasiirka Gaashandhigga Somaliland

Hargeysa(ANN)-Wasiirka gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland Eng Ciise Axmed Yuusuf (Xawari) oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in ay xukuumad ahaan ka go’an tahay soo Af-jarida xaalada sarkaalka ka falaagoobay ciidanka Qaranka Somaliland Col Siciid Cawil Jaamac(Caarre) oo mudooyinkii u danbeeyey dibad wareeg ahaa deegaanada Bariga gobolka Sanaag.

Balse wararka qaar sheegayaan in uu ku sugan yahay deegaanka Higle oo ah duleedka magaalada Qardho ee  maamulka Puntland, Isla markaana war warbaahinta qaarkood sheegayaan in uu waraysi uu bixiyey sarkaalka falaaga ah ku sheegay in uu halkaasi ka soo abaabulayo maleeshiyo ka dhan ah Somaliland.

Hase yeeshee wasiirka Gaashaandhigga Somaliland oo arimahaasi ka jawaabay ayaa sheegay in xukuumadda  Somaliland aanay u habran doonin cid kasta oo khal-khal gelisa amaanka dalka waxaanu fariin cad u diray in Maleeshiyada uu hogaamiyo Siciid Cawil Jaamac(Caarre) aanay ka aqbali doonin in uu fad qalalo ka rido Somaliland, hadii uu ka waan toobi waayo ficiladaasi uu samaynayana ay ka xukuumad ahaan iyo ka wasaarad ahaanba ay wax ka qaban doonaan.

Wasiirka Gaashaandhiga  Eng Ciise Axmed Yuusuf(Xawar) oo artintaa ka hadlaya yidhi, ’’Wada hadal waa jiraa dabcan waa lala hadlaa oo xidhayaashiisa ayaa la hadla iyo odayaashiisa Maqaam kasta ha gaadh-siis naadaane, Saraakiisha iyo taliska ciidankaa la hadlay hadana waaxaad moodaa in aanu waxaas oo dhan dhag u dhigayn oo aanu wax ku qaadan anaguna hada waxaanu taaganahay halkii ugu danbaysay oo aanu xal waara oo ay hawshaasi ku so oaf-jarmi lahayd aanu ka gaadhno’’Ayuu yidhi Wasiir Eng Ciise Axmed Yuusuf(Xawar).

Sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay  soo af-jarida arrintaa, isagoo yidhi, ” Nabad galiyo aanu ku dhamayno oo wali Jaanis furan ah, oo dad wax garad ah iyo taliska iyo wasaaraduba aanu eegno ilaa heer Madaxwayne haduu taas ku caasiyo oo uu xal u arki waayana in ka qaran ahaan khasab nagu tahay in sida laga fursan waayo aanu ku so af-jarno’’Ayuu Yidhi Wasiir Eng Ciise Axmed yuusuf(Xawar).

Dhawaaqa xukuumada Somaliland ay kaga jawaabtay fariinta sarkaalka oo ku hajbay inuu dagaal la gelayo xukuumadda Somaliland oo aanu marnaba isa soo dhiibayn  Col Siciid Cawil Jaamac(Caarre), oo mudooyinkan u danbeeyey wareegayay deegaankaa kadib markii uu ka goostay ciidanka qaranka ee ku sugan deegaanka Ceel Af-weyn dhawr Bilood ka hor.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post