Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaacisay tallaabooyin ay qaadayso si ay dawladda Sucuudiga uga dhaadhiciso in xoolaha dalkeedu ka caafimaad qabaan wax xannuun ah, kadib markii Sucuudigu ku dhawaaqay inay caafimaad-darro darteed u joojiyeen xoolaha Soomaalida ee loo dhoofiyo.
Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, ayaa sheegay in aanay xoolaha Somaliland marnaba qabin wax xannuun ah oo ay dawlad ahaan si cad u hubaan, isagoo war aan wanaagsanayn ku tilmaamay go’aanka dawladda Sucuudiga.
“Warkaasi wuu nasoo gaadhay, mana aha war fiican oo waa war aanaan jeclaysanin, xoolaha la hakiyeyna waa xoolihii guud ahaanba dhulweynaha Soomaalidu degto oo dhan, neefka adhiga ahina waa arrin nololeed, waana arrin dhaqaale,” ayuu yidhi Md. Cukuse, waxaannu intaa ku daray hadalkiisa, “Annagu waxaannu xaqiijinaynaa oo markhaatigeena leh inaanay xoolaha Somaliland qabin wax xannuun ah oo aanay jirin xannuun xoolahaasi qabaan, gaar ahaan xannuunada la sheegay ee uu tilmaamayo qoraalka ay qortay Wasaaradda Beeraha dawladda Sucuudigu, Wasaaraddan Xannaanada Xooluhu shaqada ugu badan ee ay qabato waa shaqada caafimaadka xoolaha, hay’ado ay ka mid tahay OIE oo ah hay’ad caalami ah oo la socota caafimaadka xoolaha saddexdii biloodba mar way ogtahay, waxaannuna dalbanaynaa in aannu ka dhaadhicino ururrada marka horeba nagala socday arrintan iyo dawladda Sucuudiga oo ah suuqa ugu weyn ee xoolaheena haystaanba, waxaannu ku rajoweynahay inay nagula qancaan arrinkayagan aannu markhaatigiisa caddaynayno, dadaal baddan baanu ku jirnaa hadda.”
Waxa kaloo uu sheegay in aanay habboonayn in la siyaasadeeyo xoolaha Soomaalida, meel kasta oo laga leeyahay xannuunka Sucuudigu sheegay, balse loo baahan yahay in laga hawlgalo sidii arrintaasi dawladda Sucuudiga looga shaafiyi lahaa, “Ha ahaato Somaliland ama Soomaaliya amaba Ethiopa qaybta Soomaalidu degto ee neefka xoolaha ahi waa nolol, waana dhaqaale, mana ah neef aynu siyaasadaynayno, haddii ay arrintani xagga Soomaaliya ka timina waa dhacdo saamaynaysa xoolaha Soomaalida oo dhan, sidaas ayuuna ula dhaqmay Sucuudigu, gar iyo gardarrobana isagaa suuq inoo ah, innagana waxa ina saaran inaynu ku qancino inuu arrintaas ka laabto,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Wasiir Cukuse.