X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay xadhigga Sheekh iyo Fannaan ay Xabsiga Dhigtay

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay in xidhiidh iyo iskaashi dhinaca ammaanka ah ka dhexeeyo dawladda Itoobiya, balse aanay labada dhinac ku xadgudbi karin xadka u dhexeeya.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancadde oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaa sheegay in ciidanka Somaliland ka tallaabaan xadka Itoobiya iyagoo haysta fasax, sidoo kalena aanay fasax laa’aan ciidanka Itoobiya ku soo geli karin xadka Somaliland.
“Haddii aannu nahay Somaliland dawlad ayeynu nahay, dawladda Itoobiya-na waxa aynu leenahay xuduud oo ixtiraam ayaannu isku leenahay. Ciidammada Somaliland waxay ka tallaabaan xuduudka Itoobiya oo aniga ayaa amra, fasax ayaanan u qaataa, iyadoo aan ciidanka RRU-da geliyo gudaha Itoobiya oo waxa ay ka soo qabtaan dambiileyaasha, laakiin haddii khalad dhaco waannu saxaynaa oo ma diidanin. Sharci-darro kuma geli karno xuduudka Itoobiya, xuduudka Somaliland-na sharci-darro kuma soo geli karto Itoobiya,” ayuu yidhi Wasiir Warancadde oo ka jawaabay su’aal laga weydiiyey sida ay u arkaan ciidanka Liyuu Booliska Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo gudaha u soo galay xadka Somaliland toddobaadkan.
Waxa kaloo Wasiirka Daakhiliga wax laga weydiiyey xadhigga wadaad lagu magacaabo Sheekh Aadan Sunne iyo fannaan la yidhaa Farxaan Xiddig oo labadooduba Hargeysa ku xidhan, waxa uu ku jawaabay; “Haddii ay dambi galeen waxa la gaynayaa maxkamadda, la iskana hayn maayo ee waxa la eegayaa dambigooda, haddii aanay dambi gelinna iyagoo muxtaramiin ah ayey halkaas ka baxayaan (xorriyaddooda loo celinayaa). Somaliland oo dhan waa sidaas, muddada ay hadda xidhan yihiinna waa inta kiiskooda la baadhayo. Sheekhu waa sheekheennii, fannaankuna waa fannaankeennii oo weliba in fannaanku iska soo baxo ayaa laga yaabaa,” ayuu yidhi. Warancade.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post