X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Xaallada Abaarta

Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)Xukuumada somaliland ayaa baaq qaylo dhaan ah ka soo saartay xaalada abaareed ee dalku ku jiro xiligan.
Baaqan oo ku saabsan waxyeelada ay abaartu gaysatay oo taageero lagaga dalbanayo beesha caalamka isla markaana uu ku saxeexan yahay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Md Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) ayaa u dhignaa sidan.
ย 
Guud ahaanba waxa dalka Somaliland ka jira abaaro baahsan oo sadex jirsaday gaar ahaana gobolada bariga iyo galbeedka oo ay abaaruhu si baan u saameeyeen isla markaana ay sababeen in dhamaan xoolihii la dhaqan jiray ay ka baxeen dadka oo anay waxba ku hadhin habayaraatee, sidoo kalena dadka qaar ay u dhinteen macaluul iyo biyo laaan, intooda kalena ay geeri qarka u saran yihiin noloshooduna haatan ay marayso meel aad u adag oo u baahan gurmad biniaadaminimo oo caalami ah.
ย 
Sidaa darteed, xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ugu baaqaysaa dalalka deeqaha bixiya, hayadaha caalamiga ah, kuwa qaramada midoobay, kuwa gobolka, kuwa gudaha, ganacsatada iyo dhammaan bulshada Somaliland in loo baahan yahay taakulayn iyo gurmad degdeg ah oo lagu samato bixiyo dadkaasi oo ay xaaladoodu marayso meel aad u halis ah oo aan la eegan Karin
ย 
ALLAA MAAHD LEH
Cusmaan C/laahi Saxardiid (Caddaani)
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dh. Iyo wacyigelinta

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post