X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Mawqifka Siyaasadeeda Ku Waajahan Xaalada Dalka Yemen

Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay mawqifkeeda siyaasadeed xaalada dalka Yemen ee dalalka is bahaystay ee Sucuudigu hirmoodka u yahay ka adaan duqaynta dhinaca Cirka ah.kadib Xuutiyiinta Shiicada ee la wareegay awooda dalka.
Somaliland waxay muujisay wer werka ay muujiyeen waddamo baddan oo ka mid ah dalalka carabta ee mandaqada iyo dunida kale. “Muddooyinkan dambe, xasillooni darro ayaa ka jirtay qaar ka mid ah waddamada Carbeed, waxaana ugu dambeeyey dagaalada ka socda Dalka Yemen ee aynu deriska nahay. Dagaaladaasi waxay saamayn xoog leh ku yeelanayaan guud ahaanba Badda Cas iyo Waddamada ku xeeran ee aynu ka mid nahay.” Sidaa waxa yidhi Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

 

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu sidaa ku sheegay qudbad uu ka jeediyay Labada golle Baarlamaan oo uu kaga hadlay waxyaabo baddan, wuxuuna isagoo ka hadlaya doorka Somaliland ee mandaqada iyo waxyaabaha ka dhacaya dalka Yemen yidhi, “Dawladda Somaliland waxay Dalalka deriska iyo beesha caalamka intaba kala shaqaysa, adkaynta iyo xoojinta xasilloonida mandaqadda, gaar ahaan Marin Biyoodka Badda Cas oo hal-bawle u ah isu socodka dhaqaalaha adduunka. Dawladda Somaliland waxay si buuxda u garab-taagantahay mawqifka Jaamacadda Carabta ee taageeridda Dawladda sharciga ah ee Dalka Yemen. Waxaanay ka soo horjeedda kooxaha qalalaasaha ka wada Dalka Yemen.”
Dhinaca kale dalka Yemen, waxa uu ka mid yahay dalalka ay Somaliland wadaagaan xuduuda dhinaca Badda, waxaana ka dhexeeya xidhiidh ganacsi iyo mid taariikhi ah oo kumanaan sannadood soo jiray, iyadoo xaaladda waqtigan ee dalka Yemen durba saamayn ku yeelatay ganacsigii labada dhinac ee Somaliland iyo Yemen.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post