X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Doorashada Farmaajo Loogu Doortay Madaxweynaha Soomaaliya

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Xukuumadda Somaliland waxay soo dhaweynaysaa go’aankii ka soo baxay kulanadii is-daba joogga ahaa ee ay Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ku kala cuganayeen Mudanaha loo dhiibayo Hoggaanka iyo talada dalka aan jaarka nahay ee Soomaaliya. Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo waanu ku hambalyeynaynaa xilkaa loo igmaday waxaanannu ALLAH uga baryeynaa inuu xilkaa iyo masuuliyaddaa ku asturo.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar walba muhimadda iyo mudnaanta koowaad siinaysaa deris-wanaagga iyo nabad ku wada noolaanshaha labada shacab ee walaalaha ah. Waxaanu soo dhaweynaynaa nabad, degenaansho iyo xal waara oo loo helo arrinta murugada leh ee ka jirta Soomaaliya.

Dhinaca kale, Jamhuuriyadda Somaliland waxa si dhab ah uga go’an in la da-dar geliyo oo la sii wado wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Haddaba si looga gun gaadho wada hadalada labada dal u dhexeeya, waxaanu Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya ugu baaqaynaa inuu ka leexdo jidkii qaldanaa ee uu qaaday Madaxweynihii isaga ka horreeyey ee ku suntanaa faro-gelinta iyo carqaladaynta Qadiyadda iyo Gooni isu-taagga JSL. Madaxweyne Farmaajo waxaanu kula talinaynaa inuu muhimadda koowaad siiyo sidii u dalkiisa iyo dadkiisa ugu horseedi lahaa nabad iyo degenaansho waarta taasoo ay ku jirto danaha iyo maslaxadaha jaarnimo.

Sidoo kale, Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya waxaanu si cad ugu sheegaynaa in Jamhuuriyadda Somaliland aanay meteli karin shaqsiyaad danaystayaal ah oo Muqdisho laga cugtay. Waa maag iyo meel ka dhac qaawan in magaca qarankayaga loo cimaamado cid aan shacbiweynaha Somaliland dooran, ama aan haysanin kalsoonidooda. Ummadda Somaliland waxaa matala oo kaliya, kana mas’uul ah Madaxweyne iyo M/weyne ku xigeen ku yimi doorasho xor iyo xalaal ah iyo Goleyaal Qaran oo ku yimi rabitaanka iyo Codka ummadda JSL.

Guntii iyo gebagabadii, JSL waxay xasuusinaysaa Madaxweyne Farmaajo in Somaliland ay tahay dal madax bannaan oo aan ka mid ahayn maamul goboleedyada ku midoobay Nidaamka Federaalka, waxayna diyaar u tahay inay soo fadhiisato gole kasta oo caalami ah oo xaajadeeda lagu gorfaynayo.

ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Adan Cige (deyr)
Afhayeenka MAdaxtooyada JSL.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post