X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Dil Ka Dhacay Burco

Araweelo News Network

liciHargeysa(ANN)Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, isla markaana ah ku simaha Madaxweynaha Somaliland, ayaa cambaareeyey dilkii shalay ka dhacay magaalada Burco ee lagu fuliyay Marxuum Yuusuf Muuse Cawil oo ahaa ganacsade kasoo jeeda deegaanka Buuhoodle oo gacan ka gardarani disha. kadib markii tacshiirad rasaas ah lala beegsaday.

Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland, wuxuu ku tilmaamay dhacdadaa wax laga xumaado, wuxuuna tacsi u diray Madaxweyne ku xigeenku qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay marxuumku.

Madaxweyne ku xigeenku wuxuu bogaadiyey ciidamada amniga ee gobolka togdheer oo si degdeg ah markiiba gacanta ugu soo dhigay kooxdii gacan ku dhiiglayaasha ahayd ee dishay marxuumka. kuwaas oo isku deyey inay baxsadaan, balse dedaalka ciidanka awgii aanay u suurobin inay ka baxsadaan goobta dilku ka dhacay.

sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, wuxuu ku boogaadiyay maamulka gobolka Togdheer, isagoo tilmaamay inay waajibkooda qaran guteen markii dilku dhacay, “soo qabashada gacan ku dhiiglayaasha oo cadayn u ah in aan cidina ka carari karin gacanta amniga dalka, sharcigana lala tiigsan doono cidka kasta oo qaranka danbi ka gashay.” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post