X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Dhawaaq Digasho Ah Oo Kasoo Baxay Sarkaal Xukuumadda Farmaajo Ka Tirsan

Saleebaan Cali Koore

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka jawaabtay hadal digasho ah oo kasoo yeedhay Sarkaal ka tirsan Xukuumadda Federaalka ee Madaxweyne Farmaajo oo damiirka iyo dareenka shacabka Somaliland diiday.

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa ka hadlay dhawaaq kasoo yeedhay Cabdiraxmaan Guul-wade oo ka tirsan Guddida Wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana ka mid ahaa sarkiishii ciidanka ee xukuumadii Millatariga ahayd ee Siyaad Bare.

Cabdiraxmaan Guul-wade, ayaa si badheedh ugu andacooday in dhibaatadii iyo xasuuqii ay xukuumaddii Millateriga ahayd ee uu ka tirsanaa ka geysatay siddeetanaadkii magaalooyinka Somaliland uu ahaa mid ku habboonaa.


Hase yeeshee dhawaaqaa oo si weyn uga cadhaysiiyay shacbiga Somaliland ee xusuusan dhibaatadii iyo tacadigii, waxa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ku tilmaamay wax lala yaabo in qofka noocaa ah ay marka horreba khalad ahayd in lagu daro guddi wada hadal oo umad metela.


“Umaddii Soomaaiyeed waynu aragnaa siday maanta u kala firdhay, waxa keenayna waxay ahaayeen marka dad noocaa oo kale ah (Cabdiraxmaan Guul-wade) ay taliyaan. ama awooddaha noocaas ah ay gaadhaan, isaga lama yaabani ee waxaan la yaabay Madaxweynaha u magcaabay guddida wada hadalada, waxaase muuqata in aanu rabin oo aanay ka go’nayn in xal waara laga gaadho labada dawladood ee Somaliland iyo Soomaaliya.” ayuu yidhi, Wasiir Saleebaan Cali Koore.


Wuxuuna sheegay inuu ka tacsiyaynayo Umadda Somaliland hadalka kasoo yeedhay ninkaa, isla markaana wuxuu xusay in aanay Somaliland cidna u daba-fadhiyin inay dal noqdaan iyo inay is difaacaan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post