X

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopi EE Cusub Iyo Kala Duwanaanshaha Siyaasada

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi

Araweelo News Network

 

Kala Duwanaanshaha Siyaasadda Soomaaliya Iyo Ethiopia Muxuu Ka Yidhi Madaxweyne Muuse Biixi

Hargeys(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka qayb-galay xafladda qalin-jebinta dufcadii 15aad ee ka baxda jaamacada Hargeysa ayaa ka hadlay isbedelka ka dhacay geeska afrika, iyo sida ay u kala duwan yihiin go’aamada ay qaateen madaxda labada dal ee Ethiopia iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Muuse, ayaa sidoo kalena waxa uu hambalyo u diray dawladda cusub ee la wareegtay maamulka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaanu yidhi madaxweynuhu “Waxaan halkan hambalyo ballaadhan uga dirayaa Madaxda loo doortay dawlad- deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, waxa kale oo ay Somaliland ku hambalyaynaysaa sida nabad-galyada leh ee ay isugu wareejiyeen waanu idiin ducaynaynaa horumarkiinana waanu jecelnahay, waxan kaloo aad iyo aad usoo dhawaynayaa sagaalka qodob ee ay soo saareen barlamaanka dawlad-deegaanka itoobiya, waxanan aad u soo dhawaynayaa qodobka 5aad ee odhanaya waxaanu ku dadaalaynaa is dhex-galka labada dal waxaan soo dhawaynaynaa is dhexgal dhinac kastaba leh, isku af ayaynu nahay, isku dhaqan ayaynu nahay, isku diin ayaynu nahay walaalo ayaynu nahay waxbaynu wada leenahay waynu isu baahan nahay waxa ay Somaliland taageeraysaa 100% is dhexgalka, ganacsiga, dhaqanka, ciyaaraha iyo tallo wadaaga oo Jig-jiga, Go’day iyo Hargaysa iyo Burco in dadku si siman uga ganacsan karaan ayaanu doonaynaa annagoo ah laba dawladood.

Sidoo kale madaxweynuhu mar uu ka hadlayey isbedelka wakhtigan ka dhacay geeska Afrika ayuu yidhi “Isbadalada iyo horumarka ka socda geeska afrika waxaynu is bar-bar dhigaynaa sida ay u wajaheen Addis-ababa iyo Muqdisho.

Addis-ababa 1993 waxay ogolaatay dawladnimada iyo madaxbanaanida Eritrea, muqdisho iyo madaxda hoggaamisaa waxay ka dagaalameen Somaliland iyo madax-bannaanideeda.

Sannadkan aynu ku jirno ee 2018 addis-ababa waxa ay qaaday tallaabo ah in ra’iisal wasaaraha Itoobiya uu tago asmara oo uu u ogolaaday wax kasta oo ay ku murmayeen, si ay isu kaashadaan, halka muqdisho dadka ka taliyaa ay 2018 yidhaahdeen Somaliland waxaanu ka xidhaynaa cirka iyo badda oo cidi ma soo gali karto, marka aanu dhulka idinka xidhnana waxaanu idinka soo weeraraynaa dhulka oo uu ku dhaaranayo inuu Somaliland soo weerarayo waa laba caqli oo kala duwan, xadka uu mustacmarku dhigay waa ka ay afrikaba ku qaybsan tahay annaguna ma badali karno waxa caalamka iyo afrikaba ku heshiiyeen, waxaanu ogolnahay in Soomaalidu iyadoo wax walba wadaagta hadana cid waliba ay u madax-banaanato aayaheeda siyaasiyan wixii walaaltinimo ahna la wadaago.

Dadka caalamka ku yidhaahda Somaliland, Soomaali ayay diidan tahay Xaasha, Somaliland iyadaa ku dhaadata Soomaali-nimada, Somaliland ayaa halgankii isticmaarka ku suntan, waxaanu haynaa wadadii Soomaali jacaylka, waxaad leedihiin cirka iyo dhulkan ayaanu idinka wareerayaa idinkoon itaalba haynin, hadaad itaal yeelan lahayd maxaad samayn lahayd, nimanka leh waa muqadas midnimadu, annaguna waxaanu leenahay waa muqadas in la kala tashado, hadii la heshiin waayay” ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixin Cabdi.

Wa-bilaahi Tawfiiq

Naasir Yuusuf Daahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post