X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Dagaalka Gaalkacayo

Dr. Sacad Cali Shire wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland

Hargeysa(ANN)Xukuumada Somaliland, ayaa ugu baaqday dhinacyada ku dagaallamaya magaalada Gaalkacyo inay joojiyaan dagaalka, isla markaana gacan ka hadalka ku bedelaan wada hadal.

Sidaana waxa sheegay Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo maanta warbaahinta kula hadlay garoonka diyaarada ee Hargeysa, isagoo u sii jeeday dalka Kenya, wuxuuna u soo jeediyay maamullada Soomaaliya ee ku dagaallamaya magaalada Gaalkacayo inay wada hadal ku dhammeeyaan khilaafkooda oo ka fogaadaan xabbada iyo baro-kicinta dadweynaha .

Dr sacad wuxuu sheegay in siyaasadda Somaliland tahay in dalalka mandiqadda geeska Afrika, ay ku noolaadaan nabad, wixii is afgaran-waa ahna loo adeegsado in miiska wada hadalka lagu xalliyo, balse aan dagaal gacan ka hadal ah laysu adeegsan. sidaa awgeed ay lagama maarmaan tahay inay labada dhinac miiska wada hadalka kusoo laabtaan.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post