X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Dagaal Ka Dhacay Afaafka Wadada Tabca Iyo Gaadiid Laga Qabsaday Malayshiyada Col. Caare

Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro)

Ceergaabo(ANN)-Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), ayaa hadlay khasaaraha ka dhashay dagaal saaka  ka dhacay dhinaca Karin ee Woqooyiga Bari ee Magaalada Ceergaabo oo ah Afaafka laga galo  wadada Dowga Tabca ee loo maro magaalada xeebta ah ee Maydh.

Dagaalka, ayaa halkaa ku dhexmaray Ciidamadda Qaranka Somaliland iyo Malayshiyada uu watay Col. Caare, wuxuuna Badhasaabka Tiimbaro sheegay in Ciidamada Qaranku Laba gaadhi oo Tikniko ah ka qabsadeen Maleeshiyaadka Caarre, isla markaana aanay jirin wax dhimasho iyo dhaawac ah, marka laga reebo hal qof oo dhaawac fudud soo gaadhay.

“Saaka waxa dhacay, ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gaadhay ciidan uu watay ninka la yidhaahdo Caarre oo soo gaadhay kedinka laga galo Buurta Daallo (Dowga Tabca). Nasiib wanaag, iyadoo aanay Ciidanka waxba ku dhiman, waxay ka qabteen laba gaadhi, isagii iyo saddex gaadhi-na waxay u yaaceen Buurta gudaheeda.” Ayuu yidhi, Badhasaabka Gobolka Sanaa goo galabta warbaahinta kula hadlayay Magaalada Ceergaabo. Wuxuuna intaa ku daray in Odayaal laga daba diray si ay nabadgelyo ugu soo dhammeeyaan arrintaa.

Balse ma jiraan warar madax-banaan oo sheegaya khasaaraha dhabta ah ee ka dhacay halkaa, waxayna dadka deegaanku sheegayaan in saaka waaberigii ay ku war heleen dhawaaqa rasaasta.

 Dhinaca kale, waxa jira warar shebekadda Araweelo News Network ka heshay dadka deegaanka oo sheegaya in mudadii ay socotay waan-waanta iyo wadahadalka xukuumadda Somaliland iyo Odayaal iyo Wax-garad ku jiray arrintaa sidii nabad loogu dhammayn lahaa ay Malleeshiyaada Caarre oo ku sugnaa deegaanka Hadh-shuuq oo ka tirsan deegaanka Xamaas ee Woqooyi Bari kaga beegan magaalada Ceergaabo oo qiyaastii 30Km u jirta Karin, waxaana saaka lagu war helay iyagoo jooga Karin oo ah Dawga Tabca Afaafkiisa ee dhinaca Woqooyiga Magaalada Ceergaabo.

sidoo kale, qaar ka mid ah dadka deegaanka, ayaa u sheegay shebekadda Araweelo News Network, in ay xaalada magaalada Ceergaabo ay degantahay, walaw maanta laga dareemay xiisadaa, islan markaana Malayshiyada Caare dhinaca Buurta ee usii jeeda Xeebta u degeen.

Madaxweynaha Somaliland oo maanta ka hadlay xaaladda ka soo cusboonaatay gobolka Sanaag, ayaa sheegay in sida ugu dhakhsaha badan loo soo af-jarayo arrintaas iyadoo wada-hadallo iyo waan-waan loo marayo,  isla markaana ay xilligan hawsheeda ku jiraan Madax-dhaqameed iyo Odayaal Isu-xil-qaamay soo-af-jarista khilaafka Korneyl Caarre iyo Xukuumadda.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post