X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Ciidamadeeda Gaadhay Xadka Ay La Wadaagto Soomaaliya Ee Duleedka Garoowe

Araweelo News Network

Cabdiraxmaan Guribarwaaqo

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay dagaal ka dhacay duleedka Magaalada Garoowe ee maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo ah xadka u dhexeeya Somaliland Iyo Soomaaliya.

Dagaalka, ayaa dhacay saaka waaberigii kadib markii Ciidamadda Somaliland ku ruquaansadeen deegaanka Tuka-raq oo ah halka uu maro xadka u dhexeeya Somaliland Iyo Soomaaliya oo qiyaastii 40km u jirta Magaalada Garoowe ee maamulka Puntland, iyadoo arrintani kusoo beegantay kadib markii uu Magaalada Garoowe booqasho ku yimi Madaxweynaha dawladda Federaalka ee Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Guri-barwaaqo oo warbaahinta la hadlay maanta, ayaa sheegay in ciidanka Qaranka Somaliland gaadheen xadka ay Soomaaliya la wadaagaan.

Afhayeenka Xukuumadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Faarax (Guri-Barwaaqo), ayaa isagoo ka hadlaya arrintaa, ayaa yidhi, “Hadaan ka hadlo arrinta ka dhacday xadka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, waxaad la socotaan in dawladda Soomaaliya muddooyinkan ay waday falal daan-daansi ah oo ay ka waday gudaha Somaliland, waxayna dhowaan Magaalada Tuka-raq  ku weerarreen halkaa ciidanka Puntland Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, sidoo kale Wasiirka Amniga ee Puntland Iyo Wasiirka Qorshaynta ee Dawladda Federaalka ee Soomaaliya oo ciidan wata waxay kusoo xadgudbeen Gudaha Somaliland, iyagoo booqday Magaalada Dhahar oo ay ka jeediyeen khudbaddo xaalad abuur ah oo daan-daansi ah, sidaa awgeed Somaliland umma dulqaadanayso daan-daansiga noocaa ah.” Ayuu yidhi.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Guri-barwaaqo, wuxuu fariin u diray Dalalka Mandaqada, Isagoo sheegay in Somaliland Nabad, deganaansho Iyo xasilooni kula noolayd dalalka jaarka, balse hadda wixii ka danbeeya aanay u dulqaadanayn oo dulqaadkii sii dhamaanayo, wuxuuna xusay in Xukuumadda Somaliland, shacbigeeda iyo ciidankeedu diyaar u yihiin Inay dalkooda difaacdaan.

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Somaliland, wuxuu fariin u diray Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, isagoo yidhi, “Soomaaliya waxaan uga digaynaa Inay qalalaase Iyo dhaqdhaaqaaqyo aburaya nabadgelyo daro ka abuurto xadka labada dal, Somalilandna kuma xadgudbayso xuduudaha, balse haddii lagu soo xadgudbo gamcaha kama laabanaydo.” ayuu yidhi.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post