X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Digtay In Mashruuc Soomaaliya Ku Taageeray Qoysaska Danyarta Laga Fuliyo Dhulkeeda

Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Photo File Araweelo News Network.

“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku war-galinaysaa Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo,,,”

Hargeysa(ANN)- Xukuumadda Somaliland, ayaa uga digtay dawladda Federaalka ee Soomaaliya inay dalkeeda ka fuliso mashruuca lagu taageerayo qoysaska danyarta ee saboolka ah, kaas oo loo bixiyay mashruuca Baxnaano.

Qoraal saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa u qornaa sidan:-

“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku war-galinaysaa Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Baanka Adduunka in barnaamijka Maamulka Muqdisho u la magac baxay Baxnaano, kuna sheegeen in qaybo ka mid ah uu ka fulin doono deegaanno ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay faragalin qaawan oo waxyeello ku ah amniga Somaliland, isla markaana uu yahay barnaamij lagu marin habaabinayo bulshada caalamka. sida lagu sheegay qoraalka.

Sidaa awgeed, ayaa lagu yidhi, qoraalka, “Dawladda Somaliland wax ay u ga digaysaa Maamulka Muqdisho isku-dayga taagta daran ee uu ku rabo in uu ku faragaliyo qarannimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, waxana ay cod dheer ugu sheegaysaa in uu maamulkaasi ka waantoobo sheegashada caalwaaga ah ee xuduudaha Jamhuuriyada Somaliland.

“Dawladda Somaliland waxa ay si gaar ah u ga codsaneysaa Baanka Adduunka in uu ka fiirsado deeqaha la siiyo maamulka aan musuulka ahayn ee ka dhisan Soomaaliya, kaas oo caadaystay in uu u adeegsado deeqaha iyo caawimooyinka bini’aadanimo ee adduunka ujeeddooyin gaar ah iyo kuwo siyaasadeed oo lagu khal-khal galinayo amniga iyo xasilloonida Somaliland.” ayaa lagu yidhi, qoraalka.

“Ugu dambayn, dawladda Somaliland waxa ay si adag ugu digaysaa cid kasta oo isku dayda in ay qayb ka noqoto isku-dayga fulinta mashaariicda ka hor imanaya madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.” Ayaa lagu qoraal saxaafadeedkaa qoraal saxaafadeedkaa oo uu ku saxeexnaa Ahmed Omer Elmi oo ah Agaasimaha Waaxda Xidhiidhka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post