X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Jawaab Waafiya Ka Bixisay Canbaaraynta Ay Kala Kulantay Dilal Qisaas Ah Oo La Fuliyay

Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland, ayaa jawaab waafiya ka bixisay dhawaaq Midawga Yurub ku canbaareeyeen dilal qisaas ah oo lagu fuliyay todobaadkii hore dad ku eedeysnaa gacan-ku dhiiglayaal.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, ayaa ka jawaabay dhaleecaynta ka soo yeedhay Midawga Yurub ee ku wajahan xukunnada dilalka qisaasta ah ah ee lagu fuliyey 6 qof oo hore loogu xukumay dil, wuxuuna sheegay in Somaliland leedahay sharciyo ay ku dhaqanto, cid hor istaagi karta fulinta sharciyada dalkana aanay jirin.

Mr. Xuseen Axmed Caydiid, waxa uu tilmaamay in aan fulinta kiisaska dilka ah hore loo joojin, isla markaana aanay u muuqan sabab hadda la joojiyaa.

“Dalkani qawaaniin iyo shuruuc uu dhigtay ayuu leeyahay, kuwaasaanna lagu dhaqmayaa cid iska hortaagi kartaa Somaliland inay qawaaniinteeda ku dhaqantaanna ma jirto, cid kasta oo cambaarayn sheegtana iyaga ayay u taallaa. Horena looma joojin, meel lagu yidhi waa la joojiyayna ma jirto imikana lama joojinayo dalku sharci ayuu leeyahay sharciga dalku cidda uu qisaaso ee mara qawaaniinta dalka cidna looga habran maayo fulintiisa iyo ku dhaqanka shuruucda dalka,” ayuu yidhi Wasiir Xuseen Axmed Caydiid

Wasiirka Caddaaladdu waxauu intaa raaciyey mar uu la hadlayey wargeyska dawladda ee DAWAN in shacabku raalli ka yihiin fulinta xukunnada dilka ah, sharciyada dalkuna ay iyaga khuseeyaan, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu  yidhi; “Cidda ay khusayso qawaaniinta dalku leeyahay saamaynaysaa waa bulshada reer Somaliland bulshadayadiina way nagu hambalyaysay oo raalli ayay ka tahay fulinta qisaasta. Midawga Yurub waxay sheegayaan dalalkooda ha ku xukumaan, dalka Somaliland ma khusayso lagumana dhaqayo wax aan ahayn shuruucda u degsan ee uu qaranka ku yahay fulinta qisaastana nolosheenna ayaa ku jirta oo waxaad ka garan kartaa sida ay dadku ugu farxeen.”ayaa yidhi Wasiir Xuseen Axmed Caydiid.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post