X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Jawaab Ka Bixisay War Dawladda Ethiopia Kaga Hadashay Rasaas Lagu Qabtay Wajaale

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa jawaab cadho ah ka bixisay war ay dawladda deegaanka Soomaalida Ethiopia kasoo saartay Kelyo  Rasaas  ah oo lagu qabtay halkaa, kadib markii sida ay sheegeen saraakiisha ilaalada xadka Wajaale ee dhanka Ethiopia sheegeen in rasaasta lagu qabtay halkaa ay kasoo talawday oo laga soo iibsaday dhanka Somaliland.

Telefishanka SRTV, oo ku hadla Af-ka dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Kililka Shanaad ee xaruntiisu tahay Magaalada jig-jiga oo soo xiganaya waraysi uu siiyay sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Kililka shanaad eek u sugan xadka, ayaa sheegay in qofkii sitay rasaasta la qabtay uu kasoo talaabay dhanka Somaliland.

Hase yeeshee  Badhasaabka Gebilay, Maxamed Cismaan Xaaji Axmed (Indha Balac) , oo warbaahinta la hadlay, ayaa jawaab kulul ka bixiyay eedaynta dawladda Kililka shanaad, ku sheegtay in 3,000, oo rasaas ah laga soo iibsaday dhinaca Somaliland, wuxuu sheegay in warkaa laga sii daayay 3 May 2019, Telefishanka dawladda maalmihii lasoo dhaafay, wuxuuna ku dooday in Somaliland xaq u lahayd in warka lala soo socodsiiyo si ay baadhitan u sameeyaan, balse waxa uu sheegay in maadaama aan waxba lagala soo socodsiin in ay arkayaan wax been abuur  ah oo la doonayo in xidhiidhka labada dawladdood lagu xumaynayo.

Badhasaabka Maxamed Indha-balac , wuxuu xusay in mudadii qalalaasuhu ka jiray Kililka Shanaad Somaliland door muhiim ah ka qaadatay sidii amniga loo sugi lahaa, isla markaana ay hanti mood iyo noolba isugu jirta u celisay dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post