X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Jawaab Ka Bixisay Codsi Madaxweynaha Soomaaliya Kaga Dalbaday Sucuudiga In La Joojiyo Saldhigga Berbera

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay codsi la sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya u gudbiyey dawladda Sucuudiga oo uu kaga dalbaday in ka qaybqaadato sidii Imaaraadku u joojin lahaa qorshihiisa uu saldhigga Millatari kaga samaysanayo madaarka diyaaradaha ee Berbera oo ay ka kiraysay xukuumadda Somaliland.
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md. Axmed Xaashi Cabdi, ayaa sheegay in aanay cidina waxba yeeli karayn heshiisyada maalgashiga ah ee dhexmaray Somaliland iyo dawladda Imaaraadka Carabta, isla markaana caalamku, gaar ahaan Imaaraadku ka dheregsanyahay xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Somaliland iyo inay laba waddan oo kala madaxbannaan yihiin Soomaaliya.
“Imaaraadka Carabtu waa dal wayn oo madaxbannaan oo dhaqaale iyo cudud millatari leh oo ganacsiyada adduunka meel wayn kaga jira, maaha waddan caddaadis yar oo kaga yimi Soomaaliya uu wax kaga beddelayo mowqifkooda, Imaaraadka Carabtu aqoon bay u leedahay deegaannada Soomaalida, waxay taqaanaa Somaliland inay tahay waddan madaxbannaanidiisii la soo noqday oo 26 sanno gooni u taagnaa oo shaqaynaya oo leh dawlad, Baarlamaan, lacag, Baasaboor iyo wixii looga baahnaa dal madaxbannaanba leh, sidaas awgeed buu Imaaraadka Carabtu ula macaamilay.
Markaa Sucuudiguna caddaadis saarimaayo, Imaaraadkuna waa waddan madaxbannaan oo dantiisa isagaa og, dawlad walbana danteeda ayaa wax kasta uga horreysa, hadday u aragto Somaliland inay berri dani ugu jirto aqoonsi ay siiso cidna kalama tashanayso ee way aqoonsan kartaa,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Xaashi oo u warramay telefishanka madaxbannaan ee Bulshotv shalay, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, “Farmaajo isagoon aanay weli dawladi u dhismin inta uu isku dayayo inuu iska hortaago Somaliland danaheeda, runtii horta waa inuu aqalkiisa hagaajisto, markaa yaanu noqonin islaantii xaabadda qaadi kariwayday ee haddana in kale isa saartay.”
Waxa kaloo uu ka hadlay hadal dhawaan ka soo yeedhay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Farmaajo ku sheegay inuu geed dheer iyo mid gaabbanba uu u fuulayo sidii Somaliland ay mar labaad ula midoobi lahayd Soomaaliya, waxaannu yidhi, “Madaxweyne kasta oo yimaada Soomaaliya wuxuu yidhaa midnimada Soomaaliya ayaan ka shaqaynayaa, taasina wax gacanta ugu jira maaha, waxa wanaagsan bal intay horta dib u fadhiistaan bal inay is waydiiyaan midnimadii Soomaaliya siday ku timi, waxay midnimadaasi ahayd midowgii dhexmaray labadii dal ee Somaliland iyo Soomaaliya ee ay kala gumaysan jireen Ingiriiska iyo Talyaanigu.”
“Somaliland oo xornimadeeda qaadatay 26 June 1960-kii waxaanna markaa aqoonsaday 35 dal oo ay ku jiraan waddamada waawayn ee Maraykanka iyo Ruushku, waxay Somaliland ahayd dawlad madaxbannaan oo sidaa adduunku ku aqoonsaday, nasiib-darro dadkii markaa u talinayey Somaliland oo jibbo waddaninimo iyo Soomaaliwayn ay ku jirtay ayey ku tageen Soomaaliya, markaa waqtigaa rabitaankeenna ayeynu ku tagnay, iminkana rabitaankeenna ayeynu kula soo noqonay,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Wasiir-ku-xigeenka Madaxtooyada Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post