X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Idaacadda VOA Hawadeeda Ka Mamnuucday

Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa ka mamnuucday In laga dhegeysto hawadeedda Idaacadda Maraykanka ee VOA, taas oo mawjadeeda FM, laga dhergaysan jiray Somaliland gaar ahaan gudaha Magaalada Hargeysa ee Caasinadda iyo nawaaxigeeda.

Idaacadda ayaa hawada laga waayay sàacadihii u danbeeyay, waxaana lagu xidhidhiyay inay caadaysatay qorshayaal iyo barnaamijyo ka dhan ah qaranimnada Somaliland oo ay caadaysatay inay baahiso, kuwaas oo shacbiga Somaliland marar baddfan hore uga bixiyeen dhawaaqyo lagu diidàn yahay waxyaabaha ay baahinay iyo barnaàmijyadeeda oo lagu tilmaamay kuwo ka fog dexdhexaadnimada.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafunta Sonaliland Cabdullaahi Maxamed Daahir Cukuse oo ah Afhayeenka xukuunadda Somaliland, ayaa mar weriyaha BBC-da laanteeda Afsoomaaliga ee Hargeysa Axmed Siciid Cigge wax ka weydiiyay Wasiirka xadhiga Idaacadda VOA, wuxuu sheegay inay heshiis kula jiureen Idaacaddaa, isla markaana ay dib u eegayaan heshiiskii ay hore ula gashay Xukuumadda Somaliland.
Ma jiro wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxa masuuliyiinta Idaacadda VOA.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post