X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Hay’adda Cuntada Iyo Beeraha Ee FAO Kala Wareegtay Laashash Kuwa Kalluumaysiga Ah

Araweelo News Network

Berbera(ANN)-Wefti uu Hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaam Cabdillaahi Ismaciil (Saylici) oo safar shaqo ku jooga magaaladda Berbera ee Caasmadda gobolka saaxil, ayaa saaka kormeeray dekedii hore ee Nec-Fish oo lagu sameeyay dayactir iyo dib u habayn balaadhan.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaam Saylici oo uu wehelinayo Wasiirka Xanaanadda Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa xadhiga ka jaray deked yar oo loogu tallo galay Kaluumaysiga taasi oo ay hirgalisay Hay’adda Cuntada iyo beeraha ee Qaramadda midoobay ee loo soo gaabiyo FAO isla markaasna ay maalgalisay dawladda Norway.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ka qayb galay Munaasibad Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysigu ay Hay’adda FAO kagala wareegtay todoba doonyood oo nooca kalluumaysiga ah oo lagu sameeyay dayactir iyo dekedda Kalluumaysiga ee Nec-Fish ayaa waxaa kasoo qayb-galay Saraakiil ka socda Dawladda Norway, Masuuliyiinta Hay’adda FAO ee Somaliland iyo Xirfadlayaal lagu tababaray Jaamacadda Faraca badda ee Berbera, kuwaasi oo iyagu sameeyay Doonyahan Kalluumaysi ee lagu wareejiyay Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland.

Saraakiisha ka kala socda Hay’adda FAO iyo dawladda Norway ayaa sharraxay dedaalka isugu jiray tababarka iyo aqoon korodhsiga ay siiyeen shaqaalaha sameeyay doonyahan iyo baahida loo qabo inay Xukuumadda Somaliland ka faa’iidaysato xirfaddooda.

Wasiirka Xannaanadda Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland, Xasan Maxamed Cali ayaa ka mahadceliyay deeqda dawladda Norway ay Somaliland siiso, Waxaanna uu ammaanay wadashaqaynta ka dhaxaysa Hay’adda FAO.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa sheegay inay Xukumadda cusubi awoodda saari doonto wax soo saarka beeraha iyo Kalluumaysiga waxaanna uu ammaanay dayactirka Nec-Fish-ta Magaalada Berbera iyo doonyahan cusub oo uu ku tilmaamay billow wanaagsan.

Naasir Yuusuf Daahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post