X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Go’aan Kale Kasoo Saartay Shaqaaqooyinkii Degaanka Ceel-afweyn

Araweelo News Network

 

Maxamed Kaahin

Hargeysa (ANN)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay in aan wax degaamayn cusub ah laga samayn karin degaanka Ceel-weyn ee Gobolka Sanaag, isla markaana tallaabo adag laga qaadi doono cidda isku dayda inay degaamayn gaar ah samayso.

Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed oo ay ku jiraan ergo ka socota Golaha Guurtida, ayaa gaadhay degaanka Ceel-afweyn, halkaas oo ay muddooyinkii u dambeeyey ku dagaalameen qaar ka mid ah dadka   walaalaha ah, kaas oo sababay khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawacba.

“Anigu waxa aan qabaa hadda labadaas qolo dambi ma laha, laakiin waxa u xidho ah dadka kale ee bani’aadamka ah ee la nool ee meesha la jooga, markaa xeer-beegtidaasi wixii ay idiin kala goyso ayaa go’aano noqonaya, xukuumadduna go’aanadaas ayey fulinaysaa. Degmada Ceel-afweyn wax degaamayn ah oo dambe ah oo laga samaynayaa ma jiro, ciddii ka samaysana ciidammada qaranka iyo dawladda Somaliland ayaa tallaabo ka qaadaysa,” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Kaahin Axmed.

Waxaannu intaas ku daray; “Colaaddaa is-taagi weyday, ardaydeena iyo carruurteenaas hadalkay iminka ina tidhi, labadaa dhexdooda waxbaa ku jira, labadaa dhexdooda waxa ku jira, waayeelkeena, culimadeena, cod-karkeena iyo madax-dhaqameedkeena goobtan fadhiyada iyo inta aan innala fadhiyinba, in aanay arrintaas daacad ka ahayn. Iminka yaa dhibanne ah? Dhibbanne yaa ah?

Saaka waxa dhibbanne ah carruurta halkaa taagan, waxa dhibbanne ah haweenka halkaa taagan, yaa dhibaaya? Raggoodii baa dhibaaya, waar ma been baa? Abaanduulayaal iyo jannano ciidammada ah oo idin dagaal-geliya Awdal la idiin kama soo dirin, Maroodi-jeex la idiin kama soo dirin, Sool la idiin kama soo dirin, Sanaag la idiin kama soo dirin, Togdheer la idiin kama soo dirin, halkan Ceel-afweyn ayey jannanadaasi joogaan.”

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa sidoo kale sheegay in degmada Ceel-afweyn ay muddo 30 sanno ah ama 40 sanno ah ka hoosayso dhinaca horumarka degmooyinka kale ee galbeedka Somaliland.

“Degmadan Ceel-afweyn iyo Degmada Gabilay iyo Saylac marka la eego dhinaca horumarka waxa ay is dheeryihiin ilaa 30 sanno ama ilaa 40 sanno,” ayuu yidhi Wasiirka Daakhiliga Somaliland.
Badhasaabka Gobolka Sanaag Md. Axmed Maxamed Caalim (Tiimbaro) oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in dadka degaanku waxba ka qaban kari waayeen waxyaabaha sababa in dagaalku soo noqnoqdo, waxaannu yidhi; “Ceel-afweyne waxa ka dhashay dadka Somaliland ee aqoonta lagu tiriyo, maantase waxa aad moodaa in dadkii aqoonta lahaa dadkii ay dhaleen ay noqdeen kuwa ugu hooseeya dadka. Waayo, intaas oo qof oo joogta Ceel-afweyn oo koofiyadleh, dhallinyaro leh oo xoog leh dhibaatada ka dhacday baa loo soo gurmaday oo iyagu waxba ka qaban kari waayeen.

Horta Ceel-afweyne waa ku ceeb in maalin walba 100km odayga halkaa ka hadlay uga yimaaddo Saylac aad bay ceeb ugu tahay. Waxa ay ila tahay waar ragga Ceel-afweynoow, waxay dumarku garteen ee carruurtaa yaryar ee iminka halkaa ka heesaysaa ku heesayeen, waad ilmayn lahaydeen haddii uu damiirku idinku jiro. Waar carruurtiina yaryari waxay doonaysaa mustaqbal, waxay doonayaan waxbarasho, idinna waxaad doonaysaan inaad halkan [degta] qori ku haysataan. Waa kaaf iyo kala dheeri, sidee la isugu helayaa? Waar carruurtiina u tudha, oo ubadkiina u tudha, oo ooryihiina u tudha, oo Illaahiina ka cabsada.”

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post