X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Go’aamo La Xidhiidha Xaalada Amniga Kasoo Saartay Magaalada Laascaanood

Araweelo News Network

Laascaanood(ANN)-Kulan muhiim ah oo ay maanta ku yeesheen magaalada laascaanood xubno wasiiro ah iyo Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somalikand, aya Digniin loogu diray Dadweynaha Magaalada Laascaanood, waxaana kulanka laga soo saaray qodobo la xidhiidha xaalada adkaysta amniga gobolka, gaar ahaa  Magaalada Laascaanood.

Xildhibaan Siciid Xaaji Afweyne oo ka mid ah Xubnaha Xukuumadda Iyo Golayaasha Baarlamaanka ee ku sugan Laascaanood, ayaa warbaahinta u akhriyay

Halkan ka Akhri Qodobada :

Marka laga reebo ciidanka Booliska oo kaliya, waxaa reeban sidashada iyo la dhexmarka hubka magaalada gudaheeda,
Waxaa reeban in magaalada lagu dhexmaro gaadiid aan laheyn Taarikada Lambar (Plate) gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland
Waxaa la mamnuucay qabashada shirarka iyo shir-saxaafadeedyada aan oggalaansho ka haysan guddiga nabadgalyada gobolka Sool
Cid kasta oo ku talaabsata falal kicin ah oo ku lid ah nabadgelyada gobolka Sool waxaa loo qaadanayaa danbiile

Ciddii ku xadgudubta Amarada ku qoran xubnaha 1, 2, 3, & 4 ee wareegtadan waxaa laga qaadaya tallabada sharciga ku haboon
Dhamaan xubnaha gddiga nabadgelyada gobolka sool, xubnaha hay’addaha amniga ee gobolka Sool iyo degmada Laascaanood waxaa la faraya iney toos ugu howlgalaan fulintan amarkan,
Baashe maxamed Faarax
Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post