X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Furtay Mashruuca Ka Hor-tagga COVID-19, Maalin Kadib Markii Guddidu Laaleen Xayiraadii

Hargeysa(ANN)-Mashruuca maamul daadejinta  Dawladda Hoose ee loo soo gaabiyo JPLG  ayaa sannadkan loo bedelay la dagaalanka iyo ka hortaga Xanuunka Covid19, iyadoo laga fulinaayo degmooyinka dalka ee uu ka jiro Adeega JPLG-gu, waxaana sannadka mashuurucu uu ka qeyb qaadanayaa sidii dadka looga bad baadin lahaa xanuunkaasi.

 

Mashruuca JPLG  oo hore Degmooyinka looga fulin jiray islamarkaana ahaa maamul daadejinta iyo horumarinta Degmooyinka ayaa haatan markii ugu horaysa noqonaya mid ka qeyb qaata xaalada la dagaalanka Xanuunka Covid19, waxaana dhammaan Degmooyinka loogu talo galay mashuuraca JPLG  ay qalinka ku duugeen in sannadkan mashuurcaasi loo fulin doono in bulshada lagala dagaalamo xanuunkaasi.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo Xafiiskiisu maamulo Mashruucaasi JPLG isla sidoo kalena ah Gudoomiyaha Guddida heer qaran ee ka hortaga iyo la dagaalanka Covid19 oo mashruucaasi maanta daah-furay ayaa Maayirada 11-ka Degmo  uga mahadceliyey sida wanaagsan ee ay uga shaqeeyeen dedaaladii bulshada lagu bad baadinayey.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Maayirada Degmooyinkaasi kula dardaarmay inay sannadkan u filiyaan mashuurcaasi sidaa lagu saxeexay, loona baahan yahay in bulshada la gaadhsiiyo islamarkaana guddida heer qaran ay soo waddo habraacyo lagu dhaqi doono Bulshada si looga badbaado xanuunka Covid19.

https://www.youtube.com/user/nasirnaska/videos

Dhinaca furitaanka mashruuca ayaa kusoo beegmay maalin kadib markii guddida heer qaran ee Madaxweyne ku xigeenku guddoomiyaha u yahay ay shaaciyeen in la qaaday xayiraadii xannuunka COVID-19.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post