X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland Oo Digniin Ku Waajahan Warbaahinta Kasoo Saartay Nabadaynta Ceel-Afweyn Ee Gobolka Sanaag

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa uga digaya warbaahinta ka hawlgasha Somaliland inay warar aan ka soo bixin guddida nabadeynta ee Ceel-afweyn laga baahiyo qaybaha kala duwan ee warbaahinta. Sida ay ina farayso diinteenna suuban iyo xeerka saxaafadduba waa mid waajib ku ah qof kasta oo hawl saxaafadeed gacanta ku haya ama muwaadin ah inuu ka taxadaro, kana fogaado wax kasta oo waxyeelayn kara hawsha nabad raadinta ee ergaddu u fadhido, Waxaana mamnuuc ah wax kasta oo carqaladeyn kara nabadda, Siday faafisay wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku caano-maashay oo lagu majeertaa siday dhidibada adag ugu taagtay in bulshada reer Somaliland iyo kuwa deriskuba nabad ku wada noolaadaan, waayo iyadaa fure u ah horumar kasta oo bulshooyinka caalamku gaadhaan.

Sidoo kale, waxaanu saxaafadda madaxa-bannaan ku amaanaynaa doorarkii shariifka ahaa ee ay ka soo qaateen nabadeyntii iyo dib u heshiisiintii beelaha Somaliland iyo kaalintii ay ku lahaayeen dib u dhiska qaranimada JSL,maantana waxa looga fadhiyaa inay ka qaataan arrinta nabadeynta ee Ceel-afweyn qeyb libaax,si deegaankaas ergadu ka hirgeliso nabad waarta.

Geesta kale siraha ciidammadu waxay ka mid yihiin waxyaabaha ka reeban saxaafaddu inay wax ka qorto ama ka tebiso fasax la’aan, waana mid ay ka siman yihiin warbaahinta dunidda oo dhan, waayo waxay xeeriyaan shuruucda iyo anshaxa saxaafadda, waxayna iska ilaaliyaan wax kasta oo la xidhiidha hawlaha ciidammada, waxaanay baahiyaan kaliya wixii warar ah ee ka soo baxa talisyadooda.

Sidaas awgeed, waxaanu ku wargelinaynaa, kuna adkaynaynaa saxaafadda ka hawlgasha JSL inay ka waantoobaan wax ka sheegga hawlaha ciidammada siiba xaaladda dagaal ee ka taagan Tuka-raq ee ay isku horfadhiyaan ciidanka qaranka iyo ka Soomaaliya.

Wararka kaliya ee laga tabin karaa jiidaas dagaalku ka taagan yahay ee Tuka-raq waa midka ka soo baxa taliska ciidanka ama xukuumadda, waxaana reebban in warar malo-awaal iyo kuwo laga soo xigtay meelo kale oo aan ahayn ilaha rasmiga ah laga sii daayo guud ahaan warbaahinta dalka.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post