X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland oo Caddaysay in aannu Shuban-biyoodku Wax Saamayn Ah Ku Yeelanayn Doorashada

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa caddaysay in aannu shuban-biyoodka ka dillaacay degaanno ka mid ah dalku wax saamayn ah ku yeelan doonin jadwalka doorashada Madaxtooyada ee u muddaysan inay dalka ka qabsoonto bisha November 2017, haddii Ilaahay yidhaah.
Wasiirul-dawlaha Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Muuse Diiriye oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa , waxa uu sheegay in lagu jiro gurmad lagu xakamaynayo shuban-biyoodka, balse aanay hawshaan wax dib-u-dhac ah ku noqonayn doorashada Madaxtooyada.
“Shuban-biyoodka waannu xakamaynayn oo Wasiirro ayaa saaka (shalay) u baxay Burco, Xaglo-toosiye (Wasiirka Caafimaadka) wuu sii joogay halkaas, Boorama-na waa loo baxayaa oo mar horeba dhakhaatiir ayaannu u dirnay, hawshaas shuban-biyoodkuna wax khafiif ah maaha runtii oo dadka inagaga dhintay ma yara oo ilaa 200 qof way ku dhawdahay dalka oo dhan hadda, laakiin gacanta ayaa lagu hayaa arrintaas (Doorashada) jad-walna way leedahay, kolayna doorashadu way dhacaysaa, Madaxweynaha Somaliland-na wuxuu sheegay in ay ka go’an tahay oo aanay dib u dhacayn doorashadu mar dambe, wax la kordhinayaana ma jiraan,” ayuu yidhi Md. Maxamed Muuse Diiriye.
Waxa kaloo uu ka hadlay sababta keentay in siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka tirsan xisbiga WADDANI loogu diiday inuu ka dhoofo madaarka Hargeysa maalintii Axadda, waxaannu yidhi; “Wuxuu ku maqnaa Soomaaliya (wuxuu haystay mabda’a Soomaaliweyn), wuu yimmi oo dalkiisii (Somaliland) ayuu u soo noqday, xisbiyada siyaasaddana wuu ka qaybgalay, markaa isaga iyo qayrkiiba ka aqbali mayno baasaboor Soomaali-weyn ah ayaan kaga baxayaa Hargeysa, waana baasaboor nooca diblomaasiyiinta ah Soomaaliya ah (diplomatic Passport). Muu keenan (Somaliland) qaato, waannu ka joojinay isaga, xaq ayuuna u leeyahay inuu qaato baasaboorkeena Somaliland, laakiin anniga oo siyaasi reer Somaliland ayaan baasaboor Soomaaliya kaga dhoofayaa Hargeysa idinkuba caqligiina dib ugu noqda oo ma aqbali kartaan?
Waxa kaloo uu sheegay shuruucda Somaliland ogol yihiin in la qaato laba jinsiyadood, isagoo xusay in muwaadiniin badan oo masuuliyiinta xilalka haya qaarkood ku jiraan ay haystaan baasabooro ajnabi ah, balse aan siyaasiga reer Somaliland laga yeelayn inuu ku dhoofo baasaboorka diblomaasiyiinta Soomaaliya.
“Waxa aynu sidaana baasaboorka Ingiriiska oo waxa la qaadan karaa kan Jabuuti, dalalka kalena waa la qaadan karaa oo rag badan oo muwaadiniin reer Somaliland ayaa haysta laba jinsiyadood oo waynu ogolnahay haysashada labada jinsiyadood (dual nationality) laakiin ka Soomaaliya ma ogolin,” ayuu yidhi Wasiirul-dawlaha Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.
Md. Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in aanay jirin ujeedo gaar ah oo laga leeyahay siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka tirsan masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, balse aan cidna laga aqbali doonin inuu Hargeysa kaga dhoofo baasaboorka diblomaasiyiinta ee Soomaaliya.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post