X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda DP WORLD oo Dhammaystiraya Heshiiska Maalgashiga Dekedda Berbera

Araweelo News Network

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi

Hargeysa (ANN)- Wefti ka socda xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa safar ugu baxay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta si ay u soo dhammaystiraan heshiiska shirkadda caalamiga ah ee DP WORLD kula wareegayso maalgashiga iyo maamulka dekedda Berbera.
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md. Xuseen Aadan Cige (Dayr), ayaa ka warbixiyey ujeeddada safar wefti uu horkacayo Wasiirka Madaxtooyada ugu baxeen dalka Imaaraadka Carabta.

“Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda ah ayaa u baxay dalka Imaaraadka Carabta, gaar ahaan magaalada Dubai, weftigana waxa hoggaaminaya Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, waxana ka mid ah Wasiirka Maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan, iyadoo uu ka sii horreeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire. Waxa kaloo weftiga ka mid ah wakiillada Somaliland u qaabilsan dalalka Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya.
Xubnaha wasiirrada ah ee u baxay dalka Imaaraadka Carabta waa guddidii hore ugu xilsaarnayd ee Madaxweynuhu u wakiishay arrinta heshiiska maalgashiga Dekedda Berbera iyo shirkadda DP WORLD, sida aad la socotaanna 1 March 2017, haddii Ilaahay yidhaa ayaa maamulka Dekedda Berbera waxa si rasmi ah loogu wareejin doonaa shirkadda DP WORLD, si ay uga hawlgasho, ugana bilawdo hawlaheeda maalgashi.”
“Markaa si loo dhammaystiro wixii muhiim ah ee heshiiska ee u baahan in la gunnaanado ka hor inta aan (Dekedda) si rasmi ah loogu wareejin shirkadda maalgashanaysa, taas ayeyna Wasiirradu u tageen, safarkooduna wuxuu qaadan doonaa maalmo kooban,” ayuu yidhi Md. Xuseen Aadan Cige (Dayr).
Waxa kaloo Afhayeenku sheegay in safarka weftigu aannu wax shaqo ah ku lahayn heshiiska saldhigga millatari ee Imaaraadka Carabta laga siiyey madaarka magaalada Berbera.
“Safarkooda waxba kagama jirto arrinta saldhigga (Imaaraadka ee Berbera), arrinta saldhiggu waa mashruuc kale oo gaar ka ah, dhawaanna ay ansixiyeen labada gole ee baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada), laakiin wasiirradu waxa qudha ee ay u tageen si loo dhammaystiro heshiiska maalgashiga dekedda Berbera iyo shirkadda DP WrORLD.”
Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee DP WORLD, ayaa si rasmi ah ula wareegaysa gacan-ku-haynta dekedda Berbera marka la gaadho 1 March 2017, haddii Ilaahay yidhaa, iyadoo maamuli doonta muddo 30 sanno ah, isla markaana ku maalgelinaysa lacag dhan $442 milyan oo doollar.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post