Weerarkaa oo Al-shabaab ku sheegatay guul weyn oo ay gaadheen, isla markaana hub iyo saanad Milateri ku qabsadeen xerada Leego.
Wasiirka Warfaafinta Somalia Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay in weerarka dhinaca Cirka ee Al-shabaab lagu qaaday lagu beegay xili ay ku jireen dabaal deg ay u dabaal degayeen Hubkii ay qabsadeen, isla markaana la bur-buriyay hubka ay ka qaateen xeradaa oo ay ku laayeen askarta u dhalatay Burundi.
Maareeye wuxuu sheegay in inta baddan hubkaa lagu bur-buriyay duqayn diyaaradeed oo lala beegsaday Al-shabaab, wuxuuna sidoo xusay in weerarka xerada leego ay ku qaadeen Al-shabaab ay ku waayeen ilaa 150 dagaal yahan, kuwaas oo sida uu sheegay ahaa dhalinyaro la khalday oo naftooda ku waayay halkaa , kaddib markii ay isku miidaamiyeen xerada.
Wasiir Maareeye ma sheegin cidda lahayd Diyaaradaha ay adeegsadeen ee fuliyay weerarkaa uu ku sheegay aargudashada. Sidoo kale ma xusin khasaaraha dhabta ah ee ay geysteen Diyaaraduhu iyo halka uu ka dhacay weerarku.
Dhinaca kale warkan ayaa kusoo beegmay xili Al-shabaab ay sheegeen inay deegaanka dagaalku ka dhacay ka wadaan nadiifin maydadka Askarta Burundi, iyagoo soo bandhigay saanada hubka ay qabsadeen iyo sawirada maydadka daadsan wadooyinka iyo agagaarka xerada oo ay sheegeen in la aasayo.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews