X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somalia Oo Sheegtay In Masuuliyiin Ka Tirsanaa Golaha Wasiiradda Lagu Dilay Weerrarkii Huteelka Naasa-hablood

Araweelo News Network

Mogadisho(ANN)Xukuumadda Somalia, ayaa sheegtay in weerrarkii Huteelka Naasa-hablood ee magaalada Muqdisho lagu dilay saraakiil ka tirsan Xukuumadda. War rasmi ah oo kasoo baxay wasaarada arrimaha Dibbada dowladda Federaalka ee Somalia ayaa lagu xaqiijiyay in mas’uul katirsanaa golaha wasiirrada lagu dilay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee Hoteel Naasahablood.

Wasiir dowlle Burci Max’med Xamzi oo katirsanaa xubanaha golaha wasiirada, isla markaana ahaa xildhibaan katirsan baarlamaanka DF-ka ayaa lagu dilay weerrarkii shalay sida uu xaqiijiyay Cabdi Salaam Hadliye wasiirka arrimaha dibadda DF-ka.
Dhinaca kale Raysal Wasaaraha Xukuumadda Somalia Omar Abdirashiid oo ka hadlay weerrarkaa, ayaa yidhi,“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada iyo qaraabadii muwadiintii Soomaaliyeed ee lagu xasuuqay badhtamaha Muqdisho. Si gaar ah waxaan tacsi ugu dirayaa ehellada Wasiiru dawlihii Bii’ada ee Xafiiskeyga oo weerarkaasi naftiisa ku waayeey. Falkaas argagixiso wuxuu ahaa mid banii’aadamnimada ka baxsan oo ay gaysteen kuwo arxan daran oo ka soo horjeeda nolosha iyo horumarka ummada Soomaaliyeed,” Ayuu yidhi, Raysal Wasaaruhu.

Omar Abdirashiid, wuxuu sheegay in falkan ismiidaamintaa ee lala beegsadey Hotel Naasa-Hablood1 aanu hakin doonin habsami u socodka hawlaha dawladda iyo hannaanka loogu diyaar garoobayo dalka in ay ka qabsoomaan doorashooyin.

“Anoo aad uga murugaysan dhibka loo gaystay dadka rayidka ah waxaan ummadda u xaqiijinayaa in falkaas argagixiso aanu hakin doonin shaqadii aan u haynay dadkeena iyo dalkeena. Waxaana shacab weynaha u sheegayaa inaan u taaganahay difaacooda xili kasta aana xoojinayno amniga guud ahaan,” Ayuu yidhi Raysal Wasaare Omar Abdirashiid.

Raysal Wasaaraha ayaa muujiyay inuusan jirin dambi ummada Soomaaliyeed laga galo oo ka weyn gumaadka lagu hayo dadka rayidka ah ee aysan jirin wax ay galabsadeen iyo cid ay dambi ka galeen xili lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya in saraakiil sarsare dowladda Federaalka Soomaaliya lagu dilay weerrarkii Naasa-hablood, wakaaladaha wararka reergalbeedka iyo Telefishanka Aljazeera ayaa xalay baahiyay in mas’uuliyiin lagu dilay weerarkii Hoteel Naasa-hablood oo ay sheegatay Xarakada Al-shabaab.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post