X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somalia Oo Sheegtay In Dawlada Talyaanigu Dhisayso Madaarka Boosaaso

Araweelo News Network

Mogadishu(ANN)Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa dawladda Talyaaniga iyo Urur Gobolleedka IGAD uga mahadceliyey taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, kadib, kulan uu xarunta Madaxtooyada Puntland kula qaatay Xog-hayaha Guud ee Urur Gobolleedka IGAD Danjire Maxbuub Macalin.
sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska raysal wasaaraha Somalia, waxa kulanka lagu soo bandhigayay dhameystirka mashruuca wajiga labaad ee Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso oo dhaqaalaha ku baxaya ay bixinayso dawladda Talyaaniga.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in Dawladda Talyaaniga ay bixinayso dhaqaalaha ku baxaya wajiga labaad ee Garoonka Boosaaso, wuxuna xusay in dawladda Federaalka Soomaaliya ay ka codsatay Talyaaniga in gacan ay ka geystaan dhismaha wajiga labaad ee Garoonka, iyadoo dhaqaalaha ay soo marinayaan Urur Gobolleedka IGAD.

‘’Sidaa la socotaan dawladda Federaalka Soomaaliya waxay horey u balan-qaaday in gacan ay ka geysan doonto wajiga labaad ee Mashruuca dhismaha Garoonka Boosaaso, annagoo balan-qaadkaas ka duuleyna waxaan ka codsanay dalka Talyaaniga in ay naga caawiyaan dhamaystirka Mashruucan waana naga aqbaleen, iyagoo noo soo maraya Urur Gobolleedka IGAD, maantana waxay noogu yimaadeen sidii loo hirgelin lahaa fulinta qorshahaas.”ayuu yidhi Raysal Wasaare Cumar.

Kulanka lagaga hadlay mashruucaa wax kale ka qeyb galay Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Diblumaasiyiin. sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay xafiiska raysal wasaaraha Somalia.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post