X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somalia Oo Sheegtay In Aanay Doorasho Ku Dhacayn Xilligii Beesha Caalamku U Qorshaysay Iyo Ammaanka Muqdisho Ee U Faruur Xidhan Al-shabaab

Warbixin: By. Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist.

Mogadishu(ANN)Xukuumadda Federaalka Somalia ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si cad u sheegtay in aanay Somalia ka dhacayn doorasho marka la gaadho sannadka 2016, kaas oo ah dhamaandka mudadeedu ku egyahay, isla markaana ah xilligii beesha Caalamku u qorshaysay barnaamijka loo bixiyay Higsiga ee 2016.
Hase yeeshee Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), ayaa ku tilmaamay arrintaa mid aan sinaba suuro-gal u ahayn inay Somalia sannadka 2016, ka dhacdo doorasho qof iyo cod (One Man One Vote).

“Dowladda Somalia waxay waddaa qorshayaal ay kula tashanayso maamul goboleedyada, Odayaasha dhaqanka, wax-garadka, laakiinse waxay su’aali ka taagan tahay sidee wax u dhacayaan, waxaa arrimahaas laga tala-gelinayaa dhammaan inta ay khuseyso, howshaas waa la billaabay waana lagu guda jiraa. Guddiga doorashooyinkana waa kusoo biiray, qof walba waa og-yahay in hal qof iyo hal cod maanta aanay suurogal ka ahayn inay Somalia ka dhacdo,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha Somalia oo ka qaybgalayay barnamij su’aalo lagu weydiiinay maanta warbaahinta dawlada ee Radio Muqdisho.

Mr. Odawaa, wuxuu sheegay in haddii ay suurta gal noqonweydo doorasho (One Man One Vote) hal cod iyo hal qof aanay macneheedu ahayn doorasho ma dhacayso, isagoo tusaale usoo qaatay in Baarlamaanka waqtigan ee Federaalka ay soo doorteen oo ay soo xuleen 135 Oday, isla markaana weli maamul goboleedyadii aan la dhamayn oo ay qabyo yihiin, kuwaas oo sida uu sheegay dhamaystirkoodu qaadanayo ilaa Jun 2015, wuxuuna isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi, “Federaalka hadda waa dhismayaa, horay maamullo federaal ah ayaa u soo dhismay, sida Puntland, Jubbaland, Koonfur-galbeed, waxaana hadda faraha lagula jiraa dhismaha maamul gobolleedyada gobollada Mudug iyo Gal-guduud iyo kan Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, waxaana lasoo dhameysitarayaa dhismahooda bisha June ee soo socota,” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somalia.

Dhinaca kale dhawaaqa Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia, ayaa kusoo beegmay, maalmo kadib markii Raysal Wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid sameeyay guddiyo uu sheegay inay soo diyaarinayaan hawlaha qabyada ka ah sidii loo gaadhi lahaa barnaamijka higsiga Somalia oo ay ugu weytahay in sanadka 2016, ay ka dhacaan doorashooyin xor ah, isla markaana ay timaado xukuumad shacbigu si toos ah usoo doorteen, balse waxa muuqata in riyada beesha caalamku tahay mid xaqiiqda iyo waaqaca dhabta ah ee Somalia yaal aad uga fog, iyadoo aanay waxba ka hirgelin qorshayaal dhabaha u xaadhayay arrimahaa, isla markaana xaalada amaanku weli ku faruur xidhantahay cirka oo weerarada iyo qaraxyada kaga imanaya Hay’addaha dawlada iyo ciidamada AMISOM, dhinaca kooxaha xagjirka ah ee Al-shabaab aanay waxba iska beddelin, kuwaas oo caasimada Muqdisho u muujinaya goob aan amaankeeda laysku halayn Karin oo weli ku taagan jidka fawdada iyo collaadaha ee dhawr iyo labaatanka sannadood bulshada Soomalidu la daalaa dhacaysay.

Warbixin: By. Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post