Araweelo News Network

golaha wasiiraddasomaliaMogadishu(ANN)Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya, ka hadlay shilka Diyaaradda Daallo Airline ee Salaasadii ka dhacay Muqdisho. kadib markii qarax ka dhacay gudaha Diyaarada xili ay daqiiqado kasii maqnayd garoonka Muqdisho, iyadoo rakaab gaadhaya dhawr iyo todobaatan qof u qaaday dhinaca Djibouti, balse markii shilka qaraxu ka dhacay deg deg loo fadhiisiyay, isla markaana la badbaabdiyay dadkii saarnaa marka laga reebo qof ka mid ahaa rakaabka oo ka dhacay, kaas oo golaha wasiirada Xukuumadda Somalia magaciisa shaaciyeen maanta.
shirka golaha wasiiradda, ayaa sidoo kale waxay ka hadleen arrimaha amaanka, waxayna arrimahaa iyo kuwo kale oo lagu soo qaaday kulankooda maanta ugu waaweynaa Amaanka Muqdisho, iyadoo kulamada sidan oo kale yihiin kuwo todobaadkiiba mar lagaga hadlo xaalada Amniga.
Kulnka maanta oo uu shir guddoominayay Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Mudane Maxamed Cumar Carteh, waxaa sidoo kale lagaga hadlay qodobo kale. duwan oo kam id tahay shilkii Diyaaradii Daallo ee ka duushay Muqdisho kuna siijeeday Jabuuti iyo Ammaanka guud ee dalka.

Golaha Wasiirada ayaa sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay shirka kadib waxa warbixin la xidhiidha amniga ay ka dhageysteen Wasaaradda Amniga Gudaha oo tilmaamtay in dhowrkii maalmood ee ugu danbeeyey ay daganayd xaaladda guud ee dalka marka laga reebo falal kooban oo ay ku tilmaameen kuwo kooxaha ay ugu yeedhaan nabadda diidku ay ka sameeyeen qaar kamid ah gobollada dalka iyo Caasimadda, waxaana lagu xusay warbixintaa in Ciidamadda Ammaanka ay wadaan baadhitaano looga hortagayo cid walba oo dhibaato ku ah amniga dalka.

Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista hawada ee Xukuumada Soomaaliya Cali jaamac Jangeli, ayaa golaha siiyey warbixin horudhac ah oo ka soo baxday shilkii Diyaaradda Daallo ee Salaasadii ka dhacay Muqdisho. Wasiirka ayaa sheegay in baadhitaan horudhac dhac ah oo la sameyey uu muujinayo tuhumo cadeyn dheeraad ah u baahan oo aan looga maarmayn in lala kaashado khubaro caalami ah. si loo xaqiijiyo wixii sababay shilkaasi diyaaradeed ayuu yidhi Jengeli.

sidoo kale Raysal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa tilmaamay in si deg-deg ah looga sal-gaadhi doono natiijada baadhitaankan, isagoo balanqaaday in dawladdu adkeyn doonto amniga Garoonka si looga hortago khatar walba oo iman karta. Wuxuna xusay baadhitaan la sameeyey ka dib in Muwaadinka lagu magacaabo Cabdullaahi Cabdisalam Boodhle uu ku dhintay shilkaas diyaaradeed, isla markaana ay ku dhaawacmeen labo muwaadin oo kale.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 63 476 4409