X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somalia Oo Ka Hadashay Raysal Wasaare Cumar Cabdirasiid Oo Ciidamadda Kenya Bah-dilaad Ku Sameeyeen

Araweelo News Network

Nairobi(ANN)Xukuumadda Federaalka Somali ayaa ka hadashay tallabooyin bah-dilaad ah oo Ciidamadda ammaanka ee Keya kula dhaqmeen Rayal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid iyo wefdi la socday oo booqasho ku tegey magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya

Saraakiisha Xafiiska Rayal Wasaare Cumar Cabdi Rashiid ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Kenya ay si xun ula dhaqmeen Raysa wasaaraha iyo wafdi la socday oo u badnaa xildhibaano baarlaaanka Somalia xilli ay ka dageen garoonka diyaaradaha Caalamiga Joma Kenyatta.

Sharmaake iyo xubnaha la socday ayaa gudaha ugalay magaalada Nairobi, balse ciidamo ku hubeysan gaadiidka qafilan ayaa si kedis ah Cumar Cabdi Rashiid iyo xubnihii lasocday dib ugu celiyay garoonka diyaaradaha waxaana loola dhaqmay qaab bah-dilaad ah oo ka basa anshaxa dublamaasiyada, isla makaaa u muuqday howlgal ay xukuumadda Kenya soo qorshaysay.

Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac oo kamid ahaa wafdiga Raysal wasaaraha ayaa sheegay in ciidanka Booliska Kenya Cumar Cabdi Rashiid iyo xubnihii la socday ay ka qaadeen Baasaboorada iyo dhammaan wixii alaab ah ee ay wateen, islamarkaana ay muddo saacada ah ku hayeen qeybta Taransit-ka ee madaarka.

“Laamaha ammaanka Kenya si xun ayay ula dhaqmeen Raysal wasaaraha iyo wafdigiisa, baasabooradii ayay naga qaadeen muddo saacad ahna waxay nagu hayeen qeybta Taransitkaj, runtii waa bahdilaad lagula dhaqmay madaxda qaranka soomaaliya”ayuu yidi Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac oo warbaahinta la hadlay.

Hase yeeshee Saraakiil katirsan wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegay in sababta wefdiga Raysal wasaaraha Somalia iyo wefdugiisa loogu celiyay madaarka ay ahayd, iyadoo aan diyaaradda ay la socdeen soo marin gobolka Wajeer si loo baadho. Ka hor inta aanay ka degin madaarka Nairobi, waxayna dhacdadaa ku tilmaameen mid si khalad ah u dhacday.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post