Araweelo News Network
sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka ee raysal Wasaaraha Somalia, waxay xukuumadda Somalia sheegtay in dawlada shiinaha ay ka dalbadeen sidii ay gacan uga geysan lahayd Abaaraha ka jira gobollada dalka, iyadoo si gaar ah farta ugu fiiqday deegaanada Puntland, Soomaaliland, iyo Galmudug oo waqtigan ay si daran u saameeyeen abaaruhu.
“Xukuumaddu waxay samaynaysaa dadaal kasta oo gargaar lagu gaadhsiinayo dadka dhibaataysan, waxana ay beesha caalamka, Ganacsatada iyo Qurba-joogta Soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay naga gacan siiyaan sidii arrintan wax looga qaban lahaa. waxana kala hadalnay Safiirka Shiinaha in ay gacan naga siiyaan shacabka dhibaateysan sidii loo caawin lahaa”ayuu yidhi Ku-simaha Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. sida lagu sheegay qoraalka.
waxa kale oo qoraalkaa lagu xisay in Safiirka Shiinaha uu balan-qaaday in dawladdiisu ay gacan ka geysan doonto sidii taageero loogu fidin lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen, isagoo hoosta ka xariiqay in door muuqda ay ka geysanayaan gacan siinta bulshada ay abaaruhu ku dhufteen. sida lagu sheegay qoraalka kulankaa kaddib kasoo baxay Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka ee raysal wasaaraha Somalia.
Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347