X
    Categories: Warar

Xukuumadda Somalia Oo Baarlamaanka Ka Ansixisay Miisaaniyad Qadarkeedu Yar Yahay Oo Kala Badh Laga Filayo Dibedda

Araweelo News Network


Moqdisho(ANN)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxman Ducaale Bayle oo maanta ka qayb galay kulankii golaha Shacabka ayaa uga mahadceliyey ansixinta Miisaaniyada qaybta ka hartay sanadka 2017-ka.

Ugu horayntii Gudoomiyaha Guddiga Arrimaha Maaliyadda u qaabilsan Baarlamaanka ayaa ka hadlay heerarka kala duwan ee ay soo martay miisaaniyadu mudadii labada usbuuc ahaa ee ay gacanta ku hayeen.

“Miisaaniyadda waxaa nalagu soo wareejiyey 15, July, 2017, waxaan ku samaynay dib u eegis balaaran, marxalado kala gadisan ayeey soo martay intaan wadnay dib u eegista, Waxaan la wadaagnay shacabka Soomaaliyeed si ay fikir uga dhiibtaan, waxyaalihii ay talo ahaan noo soo jeediyeen badankooda nooma suurta galin in lagu daro miisaaniyadan, waxaanse isla go’aaminay in miisaaniyadda sanadka 2018 aan ku darno talooyinkaas. Waxaan talo ku soo jeedinaynaa in misaaniyada aad ansixisaan” ayuu yiri gudoomiyihu.

Dhanka kale, gudoomiye ku xigeenka kowaad ee baarlamaanka mudane Cabdiwali Sheikh Ibraahim Muudeey ayaa ka codsaday xilhibaanada in ay u codeeyaan Miisaaniyada, waxaana cod bixinta oo gacan taag ahayd ogolaaday 167 xildhibaan halka ay ka aamuseen labo xildhibaan, mana jirin cid diiday.

Ugu danbayntii Wasiirka Maaliyadda ayaa uga mahadceliyey xildhibaanada ansixinta ay ansixiyeen miisaaniyada, wuxuuna ka balan qaaday in wasaaradu qaadanayso talooyinka gudiga baarlamaanka u qaabilsan maaliyadda ee ah in misaaniyada 2018-ka ay noqoto mid lagu sameeyey wada tashi balaaran.

“Wax wanaagsan ayaa ka soo baxay ansixintiina miisaaniyadda sanadaka 2017-ka waana idinka mahadcelinayaa, waxaan ka wasaarad ahaan balan qaadaynaa in la isga yimaado miisaaniyadda 2018-ka. Waxaan kale oo aan idiiin sheegi in meesha waxa aan ku hayno ay yihiin mid aad u yar, misaaniyadeenu waa 260 milyan oo doolar, 50% waxaan ka filaynaa dibada, dadaal badan ayaa naalooga baahan yahay inaan la imaano, sidaad ogtihiin dalkeenu waa isku tashan jiray waana inana hadana isku tashono” ayuu ku soo gaba-beeyey Wasiir Bayle.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post