X
    Categories: Warar

Xukuumadda Oo Xabsiga U Taxaabtay Xoghayihii Arrimaha Gudaha Ee Xisbiga UCID, Ramaax

Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, Image File Araweelo News Network.


Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabtay Xoghayihii Arrimaha Gudaha ee Xisbiga UCID, Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, sidaana waxa warbaahinta u xaqiijiyay maanta Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Ucid Yuusuf Kayse Cabdullaahi.


Sarkaalka u hadlay Xisbiga UCID, ma sheegin sababta rasmiga ah ee loo xidhay Ramaax, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Mar dhowayd ayaa laygala hadhay Xoghayihii Arrimaha gudaha ee Xisbiga UCID, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), laanta Baadhista Denbiyada (Criminal Investigation Department (CID),. waxaana u aragnaa in sharcidaro loo xidhay ayuu yidhi, Yuusuf Kayse, wuxuuna ugu baaqay bulshada inay ka dhiidhiyaan xadhigaa oo uu ku tilmaamay mid sharcidaro ah.
“Marka laga tago eed hore oo ka dhaxaysay Guddoomiyaha golaha Wakiiladda oo uu ku jawaabay, ma garanayno wax kale oo loo haysto, waxaan aaminsanay in loo haysto maxaad u hadlaysaa.” ayuu yidhi. Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Ucid Yuusuf Kayse Cabdullaahi.


Bale Ramaax oo ka hor intii aan la xidhin, isagoo xilligaa ku socday xarunta CID meel aan ka fogayn la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in lagu hayo cadaadis iyo caga+juglayn uu sheegay inay kaga imanay dad dhalinyaro ah oo aanu magcaabin, sidoo kale, wuxuu sheegay in Nin aanu magaciisa sheegin oo ay Madaxweynaha walaalo yihiin ugu hanjabay inuu dilayo, isagoo yidhi, “Anigoo xabadydu gaadhiga iigu jirto, ayaa walaalkii iigu hanjabay xabad baan kugu dhifanayaa, laakiin waxba lamuu soo bixin, mana aha arrin aan hore u sheegay, ma.rkhaatiyaalna waan u hayaa, ayuu yidhi, Ramaax, wuxuuna sheegay in aan hanjabaad waxba lagaga qaadayn, isla markaana aanay jirin cid sharciga ka weyn.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post