X
    Categories: Warar

Xukuumadda Oo Wefdi Madaxweyne Ku Xigeenku Hoggaaminayo u Dirtay Saaxil, Xiisad Ka Aloosan Dilka Taliyihii Qaybta, Odayaal La Xidhay Iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Ka Hadlay Xaalada

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiaraxmaan Ismaaciil Seylici iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa u baxay dhinaca magaalada xeebta ah ee Berbera oo ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay dilka Taliyihii Qaybta Booliska ee gobolka Saaxil Gaashaanle sare Marxuum Cabdirisaaq Maxamuud Maxamed (Casayr).
Masuuliyiinta Xukuumadda ee usii jeeda Berbera, ayaa isku deyaya inay dejiyaan xaalada, iyadoo ay suโ€™aalo badan ka taagan yihiin dilkaa iyo siduu u dhacay, isla markaana aanay xukuumaddu wax faahfaahin ah ka bixin doodaha ka taagan arrinta dilka oo abuurtay xiisad cabsi gelisay amaanka.
Hase yeeshee Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa ka hadlay dilkii foosha xumaa ee dablay hubaysini ay shalay duhurnimadi u gaystay Taliyihii Qaybta Ciidanka Booliska ee gobolka Saaxil Gaashaanle C/risaaq Yuusuf Maxamuud Casayr, iyadoo xiisad ka dhalatay dilkaa oo lala xidhiidhinayo inuu ahaa shirqool ay qayb ka yihiin saraakiil ka tirsan xukuumadda iyo maamulka gobolka saaxil sababay mudaharaadyo ka dhacay gobolka Sanaag maanta.
kadib markii ay warar is khilaafsan oo la xidhiidha qaabka uu u dhacay iyo jawaabta xukuumaddu ka bixisay ka cadhaysiiyeen bulshada, taas oo sii murgisay xaalada in la aaso maydka Marxuumka oo yaala magaalada Berbera.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Warancade, wuxuu isagoo ka hadlaya dhacdadaa dilka, ayaa sheegay inay tallaabo adag ka qaadayaan cidii fulisay dilkaa iyo kuwii ku taageeray, isagoo arrintaa ka hadlaya, wuxuu yidhi, โ€œTaliyaha waxa la dilay isagoo qarankiisa u shaqaynaya, wuxuu ka dhintay qaranka Somaliland, wuxuu ahaa nin ka adag hawshiisa oo waajibaadka qaranka fulinaya, denbiilayaasha denbiga galayna qaranka ayay u taal. anagaa ka masuul ah oo gacan bir ah ku qabanaynaa, kuwii denbeeyay, kuwii ku taakuuleeyay iyo cidii denbiga gashayba.โ€ ayuu yidhi Cali Waran-cade oo warbaahinta la hadlay ka hor intii aanu maanta u raacin wefdi Madaxweynaha Somaliland hoggaaminayo dhinaca magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil oo ay taagan tahay xiisada dilka Taliyihii gobolka ee Booliska Marxuum Cabdirisaaq Maxamuud Maxamed (Casayr).

Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa sheegay in Somaliland ay tahay qaran dawlad iyo nidaam, balse aanay ahayn qoysas, sidaa awgeed loo daayo qaranka hawshiisa, wuxuuna sidoo xaqiijiyay inay xukuumaddu xasbiga u taxaabtay Odayaasha, kuwaas oo uu sheegay inay kasoo bixi waayeen balantii ay hore xukuumadda ugu qaadeen ee xagga amniga.
Hase yeeshee, wuxuu diiday inuu faah-faahin ka bixiyo tirada Odayaasha la xidhay iyo inay xukuumad ahaan si dhab ah uga hadlaan qaabka uu dilka Taliyuhu u dhacay, iyadoo Xukuumaddu aanay bulshada u iftiimin cida ka danbaysay dilkaa iyo kuwa ay yihiin dadka fuliyay, kadib markii ay soo baxeen warar mad-madaw iyo mugdi gelinya qaabka uu u dhacay dilka Taliyaha, isla markaana dilkiisa loo fasirtay inuu ahaa shirqool ay ku lug yeelan karaan saraakiil iyo Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda oo qaarkood yihiin maamulka gobolka Saaxil, base Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ka gaabsatay inay jawaabo ka bixiso suโ€™aalaha dadku iska weydiinayaan qaabka uu dilka Taliyuhu u dhacay , taas oo sababtay in xiisad ka dhalatay dilka Taliyuhu sababto in Isgaadhsiinta iyo adeega Internetka laga gooyo maanta gobolka Saaxil, iyadoo ciidamo dheeraad ah la geeyay magaalada Berbera si xaalada loo dejiyo.
Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post