X
    Categories: Warar

Xukuumadda oo Shaaciyey Tirada Ma-gafayaal Lagu Qabqabtay Hawlgallo Boolisku ka Fuliyey Hargeysa

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaacisay tiro rag ka mid ah kooxaha tahriibiya dadka ee loo yaqaano Magafayaasha oo ciidammada ammaanku qabqabteen dhawrkii habeen u dambeeyey, kadib masiibadii ka dhalatay doonidii ku qarqoontay Badwaynta Midhitareeniyaanka ee ay ku nafwaayeen in ka badan afar boqol oo tiro badan oo ka mid ah ahaayeen reer Somaliland.
Wasiirul-dawlaha Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in ugu yaraan 16 ka mid ah kooxaha Magafayaasha loo yaqaan ay qabqabteen habeennadii u dambeeyey, isla markaana aan la joojin doonin hawlgallada lagu raadinayo shabakadaha ka shaqaysta tahriibinta dhallinyarada ilaa xiddidada loo saaro.
“Nimanka la yidhaa Magafayaasha xalay ilaa habeen hore (Jimcihii ilaa Khamiistii) hawlagallo aannu qaadnay waxaannu ku qabqabannay 16 magafe, kana hadhi maynno ilaa aannu xiddidada u soo saarno insha Allaah. Waxaannu iskaashanaynaa dalalka aynu jaarka nahay oo xidhiidh baannu ka leenahay, iyagana iyo innagaba waa innagu dhib, hawshaasina way socotaa, ciidanka jooga ayaana hawlgalaya oo ku filan, horeba dawladdu may yaraysan ee nimankaa way qabqabanaysay.
Hase ahaatee, aafo sidaa inoo wada damaqda markeliya oo dareenkeenna jeedisa waa tii u horraysay, inkastoo dhallinyaradu intaa tahriibaysay. Wixii tamar ah waxba idiinla hadhimayno ee dhallinyarow u sabra dalkiinna, suga qarankiinna iyo dheeftiisa, dadkii dalkan ka talinayey berri baad tihiin,” ayuu yidhi Wasiir Diiriye oo hadal ka jeediyey xaflad kooxo dhallinyaro ah baroor-diiq ugu sameeyeen magaalada Hargeysa shalay da’yartii leeday doonnidii ku degtay badda u dhexaysa dalalka Masar iyo Talyaaniga.
Dhinaca kale, murrashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Md. Jamaal Cali Xuseen oo ka mid ah siyaasiyiin khudbado ka jeediyey baroor-diiqdaas, ayaa sheegay in arrinta tahriibku u baahan tahay si adag looga hawlgalo si loo ogaado sababta keenaysa, isagoo ku dhaliilay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay ka masuul tahay.
“Tahriibtu waa aafo qaran, waxaanay u baahan tahay in si xasaasi ah looga hawlgalo ee guddi loo saaro sidii hore oo kale uma baahna, waa in la ogaado arrintan maxaa ka dambeeya ee dhallinyarteenu u tahriibaysaa? Kuwa tahriibiyaa waa ayo, halkee bayse joogaan? Dhallinyaradeenna waynu ognahay oo waraaqaa laga buuxiyaa oo waa loo yimaadaa, mid walba waxa la ogaadaa inuu dhul iyo hanti leeyahay, markaa niman shaqaysanaya ayaa dalka jooga oo dhallinyaradii oo aan xataa tahriib u jeedin ayaa madaxa laga galinyaa oo la odhanayaa waa lagu tahriibinayaa oo loo fududaynayaa wax walba.”
“Dalka kolba cid baa ka talisa, maanta waxa ka masuul ah Madaxweyne Siilaanyo iyo xisbiga KULMIYE oo lixdii sanno ee ay xilka hayeen ay tahriibtu noqontay jumlad, markii hore tafaariiq bay ahaan jirtay oo qof qof ayaa tagi jiray,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
Haseyeeshee, Wasiirul-dawlaha Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Muuse Diiriye, ayaa ka digay in la siyaasadeeyo tacsida dhallinyarada ku nafwaayey tahriibka, waxaannu u soo jeediyey xisbiyada mucaaradka ah in aanay taageero ka raadin geerida.
“Qolada mucaaradka waxaan leeyahay eedayn qaawani waxba tari mayso ee waad soo socotaane haddaad heshaan waa la arki doonaa, laakiin waxaan idiin sheegayaa geeri iyo tacsi dusheed waxba laguma caayo, ubadkani maanta (shalay) waxay tacsidan baroor-diiq ee umay qaban in faraha la isku fiiq-fiiqo,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Md. Maxamed Muuse.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post