X

Xukuumadda Oo Sababo Dhaqaale Ugu Fashilantay Tartanka Ciyaaraha Dalka Oo Markii Labaad Dib Loo Dhigay Iyo Wasaradda Oo Miciin Mooday In Dib Loo Riixo

Hargeysa(ANN)Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland, ayaa ku guuldaraystay inay qabato tartanka Ciyaaraha dalka oo ay hore dib ugu riixday in ay ka bilaabmaan dalka, 20 Sep 2015. kadib Wasiirka Wasaaradda Axmed Cabdi Kaahin Casoowe oo 7 Sep 2015, shaaciyay in dib loo riixay, balse mar kale ayuu Wasiirka wasaarada Dhalinyarada, Dhaqanka iyo Ciyaaraha Somaliland Axmed Cabdi Kaahin maanta 17 Sep ku dhwaaqay in dib loo dhigay mar kale tartanka Ciyaaraha, iyadoo mudadii uu dhowaan qabtay sadex maalmood ka hadheen.

Wasiirka Ciyaaraha oo shir jaraa’id oo kaga halday arrintaa, wuxuu mar kale ka dhawaaqiyay, isagoo warbaahinta la hadlaya maanta in tartanka Ciyaaraha ee goblada mar kale dib u dhac ku yimi, wuxuuna arrintaa sabab uga dhigay Guddoomiyayaasha gobolada Togdheer iyo Awdal oo sida uu ku dooday ku maqan wadanka Ethiopia, taas oo uu sheegay inay hoos u dhigtay diyaar garawga ay goboladaasi ugu jiraan marti gelinta wareega hore ee ciyaaraha gobolada dalka.
wuxuuna mar kale sheegay Wasiirku in Ciyaaraha gobolada ee dalka dib loogu dhigay ilaa 5/10/2015, isagoo xusay in la faray gobolada inay u diyaar garoobaan mudada danbe ee loo qabtay, balse wasiirku wuxuu ka gaabsaday inuu si dhab ah u shaaciyo wakhtiga ay caasimada Hargeysa ka bilaabmayaan wareega labaad ee ciyaaruhu.

Dhinaca kale warar la xidhiidha sababta markii sdexaad tartanka Ciyaaraha Gobolada dalka dib loogu dhigay, ayaa u sheegay shebekada Araweelo News Network, inay la xidhiidho arrimo dhaqaale iyo awood daro maamul oo sababtay inay Wasiirka Ciyaaraha iyo maamulka Wasaaradu maareeyaan hawsha Ciyaaraha, isla markaana ay wasaaradda Maaliyaddu ku wargelisay in aanay wax dhaqaale ah u hayn tartankaa, taas oo ku balaadhatay, isla markaana ay guul u arkeen oo keliya fashilka soo waajahay in marba waqtiga dib loo riixo.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post