X
    Categories: Warar

Xukuumadda oo ku Hanjabtay inay Tallaabo ka Qaadayso Ganacsatada iibiya Qalabka Dhallinyarada Budhcadda ah Isticmaalaan

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland, ayaa shaacisay inay tallaabo ka qaadayso ganacsatada iibiya qalabka hubka ee dhallinyarada budhcadda ah ku waxyeelleeyaan dadka ay jidadka u galaan habeenkii.
Badhasaabka Gobolka Togdheer Md. Maxamed Ibraahim Qabo oo dhallinyarada ku kaca falalka amni-darro ku cusub yihiin gobolkiisa, gaar ahaan degmada Burco, ayaa sheegay in la qaadayo olole lagula dagaallamayo ganacsatada ka baayac-mushtara qalabka faashashka iyo seefuhu ka mid yihiin oo ah hubka ugu waawayn ee dhallinyarada budhcadda ah adeegsadaan.
“Waxa jira oo aannu horena digniin u farnay, imminkana halkan kala hadlayaa, dhallinyaradaasi waxay haystaan faashash, baangayaal iyo seefo. Qalabkaasi maaha laxoox ay guryahooda ka soo qaateen, laakiin niman ganacsato ah ayaa waddanka keena oo ganacsi ka daya, markaa waxaannu leenahay ganacsatada Somaliland magaalo kasta ha joogaan wixii waxtar u leh waddanka u keena, balse wax lagu dilayo ka jooga, waayo markaad faash iyo soodh u keento ee ilmahaagiina guriga kuu joogo, kii kalena aad ka iibiso waxaad u keentay hub oo fidmada qayb baad ka tahay, markaa ganacsatada Gobolka Togdheer, gaar ahaan degmada Burco oo aannu aad ula hadalnay waxaannu ku qaadi doonaa olole, dhallinyarada badankoodii waannu qabqabannay, laakiin waxa noo hadhay ololihii agabkan ay wax ku dilayaan meelahay yaallaan iyagana in aannu tallaabo ka qaadno,” ayuu yidhi Guddoomiye Qabo oo u warramay telefishanka madaxabannaan ee Star shalay.
Badhasaabka waxa uu xusay in ay xabsiga dhigeen in ka badan boqol dhallinyaro lagu qabqabtay falal amni-darro habeenadii u dambeeyey, isla markaana ay doonayaan in lagu xidho jeelal aad uga fog Gobolka Togdheer, waxaannu yidhi, “Waxa soo baxay dhallinyaro budhcad ah oo wareega habeenkii magaalada Burco oo dadka isutaaga dariiqyada oo ay baadhaan dhallinyaro iyo dad waawaynba oo ay moobillada iyo saacadaha ka qaataan, waa kooxo budhcad magacyo leh iyaga laftoodu waxay u dagaalamaan kooxo kooxo. Markaa cabashadoodu markii ay nagu badatay wacyigelin baanu samaynay oo dugsiyada iyo jaamacadahaba waannu kala hadalnay si aannu ugu caqli-celinno oo waxaannu u sheegnay in aanay arrintan oo kale samayn, laakiin waxaad mooddaa inay xadkii soo dhaafeen, kadibna waxaannu qaadnay olole ballaadhan oo xalay (habeenkii Axadda) 72 baanu ka qabannay, habeen horena (Sabtidii) 48 baannu qabannay, imminka intoodii badnayd waanu haynaa, inta aannu qabanayna ku xidhi mayno meel u dhow Gobolka Togdheer ee waxaannu geyn doonnaa xabsiyo fog-fog, waayo haddaanu ku xidhno Burco ama meel u dhaw hooyadii ama aabbihii baan kaa hadhayn.”
“Markaad ilmaha qabato isagoo toorray ama baange sita waalidkii ayaa kuu imanaya subaxii oo ku odhanaya ilmahayga masaajid baa laga hor qabtay, ilmahaygu salaadduu tukadaa,” ayuu yidhi Guddoomiye Qabo.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post