X
    Categories: Warar

Xukuumadda Oo Ka Hadashay Xiisada Somaliland Iyo Djibouti Oo Weli Taagan Iyo Maydka Askari Ka Dhintay Ciidanka Badda Somaliland Oo Weli Yaala

Araweelo News Network

OOS ship HDMS ABSALON trains Somaliland Coast Guard

Lughaya(ANN)Xiisad ka dhalatay Tacshiirado rasaas ay is weydaarsadeen Ciidanka Badda Somaliland iyo Ciidanka Djibouti duleedka Saylac ee dhinaca Badda Somaliland, ayaa sababtay dhimashada Askari ka tirsan Ciidanka Badda Somaliland.

Xiisada ayaa ka dhalatay markii Dooni laga leeyahay dalka Yemen oo ka Kaluumaysanaysa Biyaha Badda Somaliland ay hujuumeen Ciidanka Badda Djibluti, taas oo sababtay dhimashada Askariga Ciidanka Somaliland oo u dhintay dhawaac soo gaadhay,kaas oo la doonayay in dhaawaciisa loo qaado dhinaca Dalka Djibouti, balse geeriyooday markaa kadib, isla markaana Maydkiisa la geeyay Laghaya oo uu weli yaal.

“Weli maanu arag cid Maydka Askariga dhintay wuu noo yaal, lama aasayo ilaa laga wada hadlo, waxan maqlaynay waxay labada dawladoo ku wada xidhiidheen dhinaca Isgaadhsiinta, balse anaga weli waxba nama soo gaadhin” sidaa waxa u sheegay shebeladda Wararka ee Araweelo News Network saraal ka tirsan masuuliyiinta xukuumadda Somaliland oo ku sugan Lawyacado, wuxuuna ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo.
iyadoo dhinaca Ciidanka Djibouti wararku sheegeen inuu jiro hal qof oo dhaawac ah, balse aanay jirin wax dhimasho ah.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye ayaa markii ugu horaysay ka hadlay dagaal shalay dhex maray ciidamadda ilaalada badda Somaliland iyo kuwa Djibouti, “waxay ahayd dhacdo aan wanaagsanayn oo dhexmartay laba dal oo wallaalo ah, waxa halkaa tegyey wasiirkii arrimaha gudaha iyo wasiirkii kaluumaysiga oo uu weheliyo Taliyihii Ciidanka Badda, waxayna ka qay gelayaan aaska, kadibna waxay u gudbayaan dhinaca Djibouti, waana la baadhayaa siday wax u dhaceen, waana arrin ay Xukuumadda Somaliland iyo Xukuumadda Djibouti gacanta ku hayaan” ayuu yidhi Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo warbaahinta la hadlay maanta.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post